Kulan-cilmiyeed ka furmay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug[Masawiro]

October 16, 2014 - Written by Editor

uuuuuGaldogob :-Habeenimadii khamiistu soo galaysay ee ku beegnayd 15/10/2014 ayaa lagu qabtay masjidka Jaamaca ah ee magaalada Galdogob ee gobolka Mudug kulan-cilmiyeed balaaran oo ay soo abaabuleen culumada mu,ssasada Alminhaaj , kulanka ayaa lagu daah furay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo wada qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada (Maamulka, guurtida,culumaaudiinka, waxgaradka , dhalinyarada, haweenka IWM.)
Xaflada ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha degmada Xassan Faarax Jirac wuxuuna ka hadlay ahamiyada ay leeyihiin kulamada noocaan oo kale ah, iyo in la horumariyo aqoonta gaar ahaan da’yarta soo koraysa, iyo in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee degmada.

Waxaa kaloo kalmad qaymo badan kasoo jeediyey xaflada Xildhibaan C/risaaq Yaasiin C/lle oo ku dheeraaday khatarta tahriibku uu ku hayo mujtamaca soomaaliyeed iyo sidii looga hortagi lahaa. Gudoomiyaha golaha guurtida Sh.Max,ud Yusuf Muuse ayaa hadalo dhiirigalin ah iyo tix gabay ah kasoo jeediyey kulanka.

Sh,Axmed Dheeli oo ku hadlayey afka muassasada Alminhaaj ayaa ka hadlay in hadafka kulanku yahay sidii looga wada tashan lahaa habkii loo horumarin lahaa waxbarashada diinta, waxgaradkii kala duwanaa ee halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhaweeyey kulan-cilmiyeedka , bulshadana ugu yeeray inay ka faaiidaystaan.

Kadib ayaa loo gudbay darsigii ugu horeeyey ee kulanka oo ay si wadajir ah usoo jeediyeen Sh. Mahad C/laahi Iyo Sh.Xassan Daahir Cabdi , waxayna si faahfaahsan uga hadleen fadliga cilmiga iyo ahamiyadiisa iyo darajada Allaah xagiisa ay ku leeyihiin culumada iyo ardayda barata cilmiga diiniga ah.

Kulanka oo socon doona mudo 3 bari ah ayaa lagu lafaguri doonaa habkii loo horumarin lahaa barashada diinta gaar ahaan duruusta masaajidda ee xalaqaadka, sanadkaan horaan tisii ayey ahayd markii culumada soomaaliyeed ay ku qabteen magaalada Laascaano shir wayne looga arinsanayey habkii loo horumarin lahaa xalaqaadka cilmiga ee masaajida.

no images were found

C/raxmaan Jabbiin
Galdogob ,Halgan,net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online