Kulan lagu hadlayo dhismaha Benderqaasim International Airport oo lagu qabtay Bosaaso[Cod/Masawiro]

October 21, 2014 - Written by Editor

7Boosaaso:-Waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka garoonka diyaaradaha Benderqaasim ee magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari kulan looga hadlayo qorshaha lagu dhisayo garoonka oo maalmo ka hor ay Enjineerdii dhisi lahaa garoonka ay soo gaareen magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka duulista hawada iyo garoomada dowladda Puntland Xassan Xaaji Siciid , wasiiru dowlaha amniga Puntland Maxamuud Beeldaaje Faarax, gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Gallan, duqa magalaada Bosaaso iyo qaar ka mid ah Nabadoonada Gobolka Bari.

Wasiirka duulista iyo garoomada Xassan Xaaji Siciid dowladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socd uu si rasmi ah u bilaaban doono dhismaha garoonka diyaaradaha  ee Benderqaasim isagoo ku booriyey bulshadii ka soo qayb gashay kulanka in ay la shaqeeyaan laamaha amniga gaar ahaan Ciidamada.

Wasiirka duulista iyo garoomada Xassan Xaaji Siciid dowladda Puntland ay ugu danbayntii xusay in ay diyaar yihiin  shaqaalihii dhisi lahaa garoonka  iyo weliba qalabkii lagu dhisi lahaa.

no images were found



Hoos ka Dhagayso Wasiirka duulista iyo garoomada Xassan Xaaji Siciid dowladda Puntland oo kulanka ka hadlay

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/xbah32gw9h/Xasancade.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online