Kulankii Golaha wasiirada DFS oo Warsaxaafadeed laga soo saaray (Akhriso)

October 27, 2014 - Written by Editor

IMG_0023Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Kulanka oo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada ay soo xaadireen ayaa looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka, Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo warbixinno laga dhageystay.

Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu dhigay sagaal horjooge oo Shabaab ka tirsan iyo Gaadiid ay u adeegsan jireen dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku aadan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, waxana ay sheegtay Wasaaraddu in ay diyaarisay qorshe kor loogu qaadayo sanadka 2015 Miisaaniyadda dowladda ku shaqayn doonto.

“Wasaaradda Maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qeyb ka noqon doona sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibedda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahaa.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee Xukuumadda iyo Hanti-dhowrku isula jaanqaadi karaan.

Xukuumadda Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wada qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala Xukuumadda iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

—–DHAMMAAD—–
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online