Maamulka cusub ee Munadamada Beder oo xilka kala wareegay maamulkii hore.[Masawiro]

October 11, 2014 - Written by Editor

DSC03095Gaalkacyo :-Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq oo ah Munadamo ka shaqaysa Faafinta Diinta ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kula kala wareegay Xilka Maamulka Munadamada Gudoomiyihii Hore ee Munadamada Mudane Muxamed Cabdulaahi Cali (Sayid) , iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdirazaaq Cabdulaahi Daahir (Nadaara).

Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Gudiga Cusub ee Munadamada Hogaamin doona Labada Sano ee soo socda iyo Gudigii hore ayaa waxaa Maamulkii hore uu kusoo bandhigay Wax qabadkiisa Mudadii uu Xilka hayay iyada oo Maamulka Cusubna uu balan qaaday in uu Hawsha sii hormarin doono.

Gudoomiyihii Hore ee Munadamada ayaa waxaa uu soo bandhigay Taariikhda Munadamada tan iyo markii la aasaasay 18-Agos-2012 , Waxaa uu ka waramay Hawlihii la qabtay , Xiriiradii la sameeyay iyo Aqoonsiga Munadamadu inta uu gaaray Mudadii ay xilka hayeen.

Maamulka Cusub ayaa isaguna waxaa uu ka gudoomay Maamulkii Hore Document-iyadii Mudadii ay xilka hayeen waxaana Halkaasi uu ku magacaabay Gudiga la shaqayn doona Muddada uu xilka haynayo oo ka koobnaa Maamulka , Laan Dacwo iyo Laan Dhaqaale iyo Xubno Dalka Dibadiisa ah oo isku xiraya Maamulka Munadamada iyo Ardayda Dalka Dibadiisa ku nool

Ugu danbayntii Maamulkii Hore waxaa uu Dardaarmay in lala shaqeeyo Maamulka Cusub si ay horay ugusii wadaan Hawlihii Qiimaba badnaa ee ay soo bilaabeen.

no images were found

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Gaalkacyo.Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online