Madaxwaynaha Puntland oo Garowe dhagax dhigay xarunta Unicef (Masawiro)

October 7, 2014 - Written by Editor

IMG_0081Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee Maanta Xafiiskiisa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaliya Mr.Steven Lauwerier

Kullan Gaar ah oo ay wada qaateen ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka Puntland loo Hormarin lahaa islamarkaana looga hortagi lahaa Cudurada faafa ee ku dhaca Hooyada iyo Dhalaanka.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalimiga ah ee ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda UNICEF oo ka howlgasha Gudaha Puntland.

Intaas kadib Ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaliya Mr.Steven Lauwerier dhagax dhigeen Dhismaha ugu Weyn Hay’adda UNICEF ee Geeska Afrika ku yeelanayso oo laga dhisayo Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

”Farxad weyn ayey noo tahay in maanta aan dhagax dhigno dhismaha cusub ee hay;adda UNICEF ka dhisanayso Puntland, waana hay’addii saddexaad marka lagu daro WHO iyo WFP ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

”Taa Micnaheedu waxa weeye in Garoowe ama Puntland ay noqonayso Xarun weyn oo Hay’addaha Qaramada Midoobey saldhigyo waaweyn kuleeyihiin, waxaan rajaynaynaa in Hay’addo kale oo badan oo UN-ka ah laftigooduna ku soo daba jiraan oo imaanayaan”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxwayne Gaas ayaa tilmaamay in Sababta ay Ha’addaha Caalamiga ah Puntland u imaanayaan ay tahay Nabad gelyada Puntland, Dowladnimada Puntland iyo Kala dambeynta kajirta awgeed .

”Waxaan rajaynaynaa Hadaanu nahay Dowladda iyo Shacabka Puntland in aanu Horseedno Nidaam wanaagsan oo Horseedi kara in Hay’addaha Caalamiga ahi ku tartamaan noona yimaadaan” Ayuu Hadalkiisa sii Raaciyey Madaxwayne Gaas.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyntii Madaxda Hay’adda UNICEF ugu baaqay in Puntland degaan shaqaalahoodana keenaan si ay u dardar geliyaan Howlaha Horumarineed ee ay kawadaan Guud ahaan Puntland.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online