Madaxweynaha Dawladda Puntland oo soo gaadhay Addis-Ababa .[Masawiro

October 27, 2014 - Written by Editor

IMG_4019Addis: Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo weftigii la socday oo xalay abaaro siddeedii fiidnimo kasoo kicitimay Magaalada London oo mudo todobaad ah ay booqasho ku joogeen ayaa saaka soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa saaka markii uu soo gaadhay magaalada Addis-Ababa waxaa garoonka diyaarada ku sugayey oo soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawlada Ethiopia mudane. Tedros Adhanu iyo Wasiir dawlaha lacagta ee Dawlada Ethiopia Mudane. Ahmed Shido iyo safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Ethiopia mudane. Abdirashid.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Tedros Adhanu ayaa qolka VIP da waxaa ku qaateen kulan gaar ah, kaas oo ay kaga wada hadlayeen xidhiidhlka siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee u dhaxeeya dawlada Puntland.

Kulanka Madaxweynaha Dawlada Puntland Wasiir Tedros Adhanu oo ku weheliyeen Wasiirka Beeraha Puntland mudane. Boos iyo Wasiir dawlada lacagta ee Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya  iyo waxa sababay khilaafka Ra’iisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya iyo doorka amuurtaasi dawlada Puntland ka qaadan karto sidii loo damin lahaa xiisada ka aloosmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland “Dr. Abdiweli M. Ali Gaas iyo wefdigiisa ayaa waxaa ay socdaalkooda hore ugu sii galaa bixin doonan magaala Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta, halkaasoo casuumad ay ka heleen dawlada wadankaasi isutaga imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas ayaa todobaadka fooda inagu soo haya dalka dib ugu laaban doona marka uu safarkiisa shaqo soo gebagebeeyo.

no images were found

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online