Madaxweynaha DFS oo dib u furay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

October 12, 2014 - Written by Editor

DSC055841Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib u furay safaaradda dowladda Shiinaha ee Soomaaliya waxaana munaasabada dib u furida safaarada Shiinaha lagu qabtay xarunta Safaaradda ee Muqdisho.

Munaasabada si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho waxaana xaflada ka soo qeyb galay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, Danjirayaal, diblomaasiyin, iyo marti kale.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei-Hongtian ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib loo furo safaaradaha Shiinaha wuxuuna sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha sida ay mar waliba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed  wuxuuna sheegay in DFS ay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dowlada Shiinaha

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka Shiinaha iyo dowladooda,sida ay u taageeraan mar walba shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Safaarada Shiinaha ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online