Madaxweynaha DFS oo ka horyimid isku shaandheyntii Golaha Wasiirada DFS.(Akhriso)

October 25, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu si adag uga horyimid isku shaandheyntii Golaha Wasiirada ee uu sameeyey Raisulwasaaraha DFS Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

War murtiyeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa lagu xusay in isku shaandheyntii uu sameeyey raisulwasaare Cabdiweli mid sharci daro ah aana waafaqsaneyey dastuurka DFS.

War Saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa u qornaa sida tan.
Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba.

Waxa kale oo xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko qaran Soomaaliyeed inay laga marmaarmaan tahay wada tashi, is maqal, iyo wada shaqeyn joogta ah. Taas oo ku dhisan tixgelinta xurmada, wada shaqeynta, horumarinta nidaamka iyo kala dambeynta dawliga ah.
Arrimahaas oo dhan, waxay inoo horseedeen inaan maanta dawladnimada Soomaaliyeed aan soo gaarsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Waxaan diyaarinay barnaamijka siyaaseed ee Higsiga 2016, kaasoo saldhigiisu yahay qoddobbada hoos ku qoran.
1. Dib U eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka;
2. Dhisidda maamul goboleedyo federaali ah iyo
3. Dimoqraadiyeynta dalka, oo ku salaysan doorasho xor ah, Sanadka 2016.
Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag jirka ah, iyada oo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-Shabaab horey uga talin jireen, oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.

Waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dib u dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kale oo guulo lataaban karo laga gaaray maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxa fooda inagu soo haya u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee lagu qaban doono Copenhagen, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Waxaase nasiib darro weyn ah, in iyada oo ay na horyaalaan dhamaystirka barnaamijyada kur ku xusan, iyo weliba ansixinta hindise sharciyeydyada muhiimka u ah dawlad dhisidda, in Raisul Wasaarahu si isdabajoog ah usoo saaro go,aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.

Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:
1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga.
2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.
Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey.
1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014.
2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014.
3 In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda.
4. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

–Dhamaad—

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online