Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo

October 28, 2014 - Written by Editor

ffBaydhabo:-Wafdi uu hogaamiyaho Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayna ka mid yihiin 2 gole ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa saak gaaray magaalada Baydhabo  ee xarunta Gobolka Bay. Wafdiga Madaxweynaha DFS  Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Prof.Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari iyo dadweyne fara badan iyadoo dadweynuhu ay safnaayeen jidka u dhexeeya garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo xarunta uu ka socdo shirka lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa gaaray magaalada Baydhabo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay , Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, Midowga Yurub iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka.

Shirka ayaa maanta waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud isagoo ugu baaqay ergada ka qayb galaysa shirka isku duubni, iyo in la dedejiyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo loo dhisayo  Gobollada Bay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online