Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo tegay Ceelbuur iyo Beledweyne

October 23, 2014 - Written by Editor

madaxweyne-xasanCeelbuur:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar aan horay loo si shaacin waxaa  ku tegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdga la socday ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil a tirsan ciidana AMISOM ,kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya  maamulka degmada Ceelbuur, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku nool degmada Ceelbuur.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato waxgaradka iyo odayaasha degmada Ceelbuur ee gobola Gal-gaduud.

Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud  uu saaka ku tegay degmada Ceelbuur ayaa u jeedkiisa waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu doonayo in uu u kuurgalo xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa waxaa horay uu booqasho ugu tegay  degmooyinka kala ah Cadale, Baraawe Marko iyo magaalooyin kale, kuwaas  oo ay gacanta ku hayn jireen ururka Al-shabaab balse ay kala wareegeen ciidanka DFS oo gacan ka hellay kuwa AMISOM.

Dhinac kale Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale isla saaka waxaa ay booqasho ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, waxaan ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne, Saraakiil ciidan ,odayaasha dhaqanka iyo dadweyne magaalada

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online