Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo ka hadlay safarka Ra’iisul wasaaraha ee Puntland

October 10, 2014 - Written by Editor

dfs1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu maanta booqosho ku tagayaa Puntland, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan aaminsanahay Soomaaliya oo nabad ah midaysan waxaa la heli karaa oo kaliya marka aan cod midaysan ku hadalno isla markaana fikradaheena iyo dadaalkeena aan ku midayno horumarinta danta qaranka. Puntland waxa ay hormuud ka tahay dadaalka federaalaynta dalka.

Booqashadan waxa ay qayb ka tahay sida ay nooga wada go’an tahay in aan si joogta ah isu dhagaysano isla markaana uwada tashano si Xukuumadda Federaalka noogu wada adeegto. Waxaan ku amaanayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland dadaalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu 12 Oktoobar kala qayb gali doonaa dadweynaha iyo hogaanka Puntland munaasabada dabaaldega maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Maanta caqabada badan ayaa na horyaala balse waxaan lee nahay dhabar adeeg aan kaga gudubno. Dadaalkeena iyo Ana oo kaalmaysanayna Ilaah waan awoodnaa Soomaaliya in aan ka dhigno wadan nabadeed 2016.

Mahadsanid

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online