Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sagootiyey RW DFS iyo wafdigii uu hogaaminayay(Masawiro)

October 14, 2014 - Written by Editor

IMG_2918Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku sagootiyey Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliye Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo u ambabaxay Magaalada Muqdisho .

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil Madaxtooyada Puntland ka tirsan ,Cutub kamid ah Ciidanka Puntland iyo Dadweyne kale ayaa ka qeyb qaatay ambabixida Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo soo gaba gabeeyey safarkii uu ku joogay Gudaha Puntland.

no images were found

Intaas kadib ayaa Duqa Caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe Cabdicasiis Cilmi Koor waxa uu madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gudoonsiiyey Faraskii ay Degmada Garoowe hadiyad ahaanta u siiyeen Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh Axmed .

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta ,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online