Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Garoowe kuna sii jeeda dalka Britain[Cod/Masawiro]

October 16, 2014 - Written by Editor

9Garoowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intii uusan ka dhoofin waxaa uu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in safar ku tegayo dalka Ingriiska balse uu ku sii hakan doono dalka Itoobiya oo uu madaxda dalkaas uu la yeelan doono kulamo kale duwan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saxaafadda u sheegay in shir ka dhacay dalka Ingriiska una saabsan maalgashiga lagu casumay dalka Soomaaliya dowladda Puntland oo kaliya shirkaasna ay ka soo qayb geli doonaan madax badan oo dalalka afrika

Safarka Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku weheliya wasiirka beeraha iyo waraabka dowlada Puntland Cabdi Ismaacil Bos iyo saraakiil ka  tirsan madaxtooyada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirka ka dhacay dalka Ingriska uu muhiim u yahay Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Puntland uuna soo bandhigi doono dowrka maalgashi ee Puntland  si guul looga gaaro dhinac kaabayaasha dhaqaalaha.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaafadda

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/qmohx3v3rc/gaaslondon.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online