Madaxweynaha ku xigeenka PL Eng.Camey oo qaabilay madaxa EUCAP-Nestor ee Soomaaliya.[Masawiro]

October 28, 2014 - Written by Editor

IMG-20141028-WA0025Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland C/xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Midowga Yurub ee howlgalka xeebaha Soomaaliya EUCAP-NESTOR Mr.Pierre Aime Riccio iyo wafdi uu hogaaminayey.Mr.Pierre Aime Riccio ayaa waxaa la socday saddex xubnood oo kale ku waasoo katirsan xafiiska EUCAP-NESTOR ee Soomaliya.Waxaa Madaxweyne Ku Xigeenk ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehliyey qaabilada wafdiga Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalam Xasan Ducaale.

Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-

1: Tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Badda Puntland ,si loo ilaaliyo xeebaha Puntland oo ah xeebta ugu dheer soomaaliya .

2: Kor u qaadida aqoonta xeer ilaaliyaasha Puntland

3: Tababarka Garsoorayaasha Maxkamadaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay iyo Mr.Pierre Aime Riccio ayaa isku afgartay in tababarada dibada lagu qabto loo soo wareejiyo gudaha dalka gaar ahaan Puntland maadaama kharash badan uu ku baxo,iyadoo Puntland ay leedahay Xarumo lagu bixiyo tababaro sida Akadamiyada Carmo iyo Akadamiyada Ciidanka Asluubta ee Garoowe.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,
Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online