Madaxweynaha PL Dr Abdiweli Maxamed Cali Gaas oo gaadhay magaalada Dubai.[Masawiro]

October 29, 2014 - Written by Editor

IMG_4074Dubai:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa caawa fiidkii gaadhay magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Madaxweyne Gaas iyo wefitigii uu hogaaminayey ayaa ka dib markii ay kasoo degeen Dubai International Airport ayaa waxaa lagu qaaday baabuurta martida  waxaana loo gelbiyey Hotel ka weyn ee la yidhaahdo JW MARRIOTT MARQUIS DUBAI, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan mudada ay joogi doonaan Magaalada Dubai.

Madaxweynaha oo  kusoo hakaday maalin Magaalada Addis-Ababa,  kadib markii uu kasoo laabtay magaalada London oo uu mudo todobaad ah ku sugnaa ayaa Salaasadii gelintii danbe kasoo kicitimay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ooay  ka mid yihiin Wasiirka Beeraha Mudane Boos, Wasiirka Dekadaha iyo Ladagaalanka Budhcadbadeeda Mudane, Abdillaahi iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa ay magaalada  Dubai ku sugnaan doonaan mudo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu casumay shir weyne caalami ah oo ka furmioona magaalada Dubai maalinta Arbacada berrito ee fooda inagu soo haysa, shirweynahaas oo dawlada Puntland lagu soo casumay.

Shirweynahan berrito furmi doona ee uu madaxweyne Dawlada Puntland Dr. Abdiweli uu ka qayb geli doono ayaa waxaa looga hadli doonaa ladagaalanka budhcad badeeda iyo kaluumaysiga sharcidarada ah.

Dhinaca kale shiweynahakan oo ah mid caalamiya ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Puntland, Somaaliya, Masar, Jabouti, Kenya, Sudan iyo dhamaan wadamada xuduudaha dhinaca bada ah la leh Puntland iyo Somaaliya oo idil.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa shirkaas ka jeedin doona khud bad dheer oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo budhcad badeeda iyo kaluumaysiga sharci darada ah oo ay hore dawlada Puntland ugu aqoonsatay inuu yahay masiibo Qaran.

Madaxweyne Gaas iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa inay Puntland dib ugu soo laaban doonaan todobaadka fooda inagu soo haya horaantiisa.

no images were found

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online