Madaxweynaha PL oo ka qayb galaya shir looga hadlayo Burcadbadeedka oo ka socda UAE.[Masawiro]

October 29, 2014 - Written by Editor

bbDubia:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa maanta ka qayb galay shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 ee ka furmay maanta duhurkii Hotelka weyn ee caala,miga ah ee JM MARRIOTT MARQUIS DUBAI ee magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Shirweynahan caalamiga ah oo ay kasoo qayb galeen wafuud cadadkoodu uu gaadhay ilaa 200 oo ergay iyo marti sharaf badan oo kale oo qiyaastii 700 qof ahayd ayaa waxaa ay isugu jireen wufuudaasi kuwo ka kala yimi wadamo ay tiradoodu gaadhaysay 30 wadan, NATO, EURIPION UNION, United Nation ka iyo wakiilo ka kala socday shirkado ay ka mid ahaayeen DP World, ayaa ah mid looga arinsanayo arimaha Budhcad badeednimada oo noqotay mid adduunka oo idil gacanta ay ka teegeen.

Shirweynahan oo maanta si rasmi u furmay socona doona mudo labo maalmood ah ayaa maanta waxaa furay Wasiirka Arimaha Dibada ee wadamada isutaga Imaaraadka carabta Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan.

Sheikh Abdullah oo khudbad dheer madashii shirka ka jeediyey ayaa waxaa waxaa uu si faahfaahsan uga war bixiyey dhibaata ay leedahay amuurta budhcad badeednimda oo uu sheegay inay tahay mid adduunka oo idil kaga qaylisiisay.

Dhinaca kale Sheikh Abdullah ayaa sheegay in budhcad badeednimadu ay tahay waxaan sinaba u wanaagsanayn, waxaana uu sheegay inay amuurtaasi daba socoto dhibaatooyin dhaqan iyo dhaqaale oo cidhib go’ ku ah degenaanshaha iyo xasiloonimda bulshooyinka caalamka.

Waxaa madaxdii sida isku mid ka ah uga hadhashay kulankii maanta ka mid ahaa, Gudoomiyaha Shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman, madaxa xafiiska Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee Africa (UNOAU) Heile Menkerios, ku xigeenka xoghaya Guud ee External Action Service European Union isla markaana a EU Chair Of The Cantact Groupe on Piracy.

Madaxweynayaasha iyo Madaxda Afrika ee arintani sida tooska ah u qusayso oo ay ka mid tahay dawladaha Puntland Iyo DF Somalia ayaa ka hadli doona shirka maalinta Berrito ah, waxaana berrito khudbada ugu horaysa ee madaxda Somalia jeedin doona madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas

no images were found

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online