Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.[Masawiro]

October 6, 2014 - Written by Editor

IMG_0020Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiis kiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso. Markuu uu soo dhamaaday kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone d’Urso ayey si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta,waxana sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

”waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay EU ka wadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dowladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Michele Cervone d’Urso qodobadii ay kawada hadleen ay kamid ahayd Shirka ka dhici doona Copenhagen oo Puntland la tashi lagala sameeyey ka hor inta uu san qabsoomin.

”Waxbadan baanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya xaalku hadda meesha uu marayo ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

”Dagaalka aanu kula jiro Xagjirka Al-shabaab ee ka socda Buuraha Galgala wax badan baan u sheegnay baahidayada iyo muhiimada Puntland ay leedahay meesha ay higsanayso dowladnimadeedu si ay uhirgasho .

Shirka Jaraa’id kadib ayaa madaxwayne Gaas waxa uu qado sharaf la qaatay Ambasador Michele Cervone iyo Waftigii uu hogaaminayay .

Kullankii ay Wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso waxaa uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online