Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiiro iyo madaxda UNODC.[Masawiro]

October 6, 2014 - Written by Editor

IMG_0045Garoowe:-Wafdigaan Safiirada ah oo ka soo kictimay magaalo Madaxda Dalka Kenya ee Nayroobi ayaa oo soo gaaray maanta Gudaha Puntland,gaar ahaan magaalo madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe , halkaas oo uu kulan deg deg ah kula yeeshay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qodobo ugu muhiimsanaa oo mudadii uu socday Kullankaasi laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa .

Xakamaynta iyo La dagaalanka Kooxaha Burcad badeedka iyo Kooxaha Shuftada ah ee maalgeliya Burcad Badeeda iyo weliba sidii tayada Xabsiyada Puntland kor loogu qaadi lahaa .

Dhinaca safiiradii  ka qayb galay kullanka ayaa waxa ay tibaaxeen sida ay uga go’antahay wax ka qabashada amuurahaasi.

Dhanka Dowladda Puntland ayaa waxa ay codsatay in xabsiga Magaalada Garoowe ee markii hore loogu talagalay kooxa burcad badeedka ah oo qaadi jiray 500-oo maxbuus in la balaariyo oo lagu daro qayb cusub oo lagu xiro dambiilayaasha aan burcad badeedka aheyn iyo qeyb loogu talagalay dumarka.

Dowladda Puntland ayaa dhankeeda waxaa ay codsatay in ciidamada asluubta Puntland ee xabsiga ilaaliya looga sameeyo deegaan gudaha xabsiga si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka shaqo ee ay gudanayaan, sidookalena xabsiga la sii isticmaalo oo lagu hayo maxaabista aan burcad badeeda aheyn inta xabsigaasi la balaarinayo.

Kullankaan maanta uu Madaxwayne Gaas la yeeshay Safiiradaasi ayaa waxa uu ku soo idlaaday is afgarad .

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online