Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Jaaliyadaha Puntland ee Yurub

October 23, 2014 - Written by Editor

9London:-Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa London kula kulmey qaar ka mid ah madaxda jaaliyadaha ku nool qaaradda yurub oo booqasho ugu yimid. Madaxweynuhu wuxuu ka qayb galay shirweynihii maalgashiga Afrika “ Global African Investment Summit” ee ka dhacay Magaalada London – 20-21 Oktoobar 2014

Jaaliyaduhu waxay kulankaas madaxweynaha usoo gudbiyeen warbixinno iyo talooyin dhinacyo badan taabanaya. Prof. Gaas waxaa uu ammaan u soo jeediyey jaaliyadaha puntland ee dibadda ku nool , sida hagar la’aanta ah oo ay uga qeyb qaataan horumarka puntland. Wuxuu carabka ku dhuftay qaybtii libaaxeed ee ay ka soo qaateen daadadkii iyo roobabkii dhibaatada baaxadda weyn lahaa ay soo gaarsiiyeen dadkii, duunyadii, waddooyinkii iyo buuntooyinkii puntland. waxaana uu kula dardaarmey in ay sii wadaan wax u qabadka iyo horumarinta dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyntii waxaa ay ku soo gabagabootay kulankaas isfahan iyo in laga wada shaqeeyo hurumarinta Puntland.

Farah Yassin Osman

Fyok78@hotmail.com

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online