Madaxweynaha Puntland oo sheegay in fariisamihii Al-shabaab ee Buuraha Galgala ay qabsadeen ciidanka Puntland.[Dhagayso]

October 1, 2014 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo dhawaan saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidanka daraawiishta Puntland ay la wareegeen fariisamo ay Al-shabaab ku laaheeyn qaybo ka mid ah Buuraha Galgala isagoo xusay in ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen Al-shabaab.

Madaxwaynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in qaybaha kale duwan ee Ciidanka Puntland ay ka qayb galeen  howl gaka ciidan oo ay ciidamadu ay ka fuliyeen Buuraha Golis.

Madaxwaynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dhalinyarad ka tirsan Al-shabaab in mudo 30 cisho ah ay uga faa’iidaystaan cafis ay dowladda Puntland siisay dhalin yarada ka tirsan Al-shabaab. Madaxwaynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay howl galka ay fuliyeen ciidanka daraawiishta ee Puntland  ay dib uga faahfaahin doonaa.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxwaynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ku qabtay Garoowe

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/3uxhmabllh/madaxweyneGaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online