Madaxweynaha Puntland Prof.Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey London

October 18, 2014 - Written by Editor

cabdiweliLondon:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimadii Sabtida si diiran loogu soo dhaweeyey Airporka Heathrow ee magaalada London ee caasimada UK.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa u tegay London shirweynaha maalgashiga Afrika oo ka furmaya xarunta Britain maalinimada Isniinta ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Jaaliyadda Puntland ayaa si weyn uga qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo noqotay tii ugu balaarneyd oo hogaamiye Soomaaliyeed kala kulmo jaaliyadda wadanka UK.

Madaxweyne Gaas ayaa gacan qaaday boqolaal Soomaali ah oo muddo saacado ah ku sugayey Airporka isagoo loo galbiyey Hotelka uu magaalada ka degay.

Prof.Gaas iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada London lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda UK, waxayna sidoo kale maalinimada Isniinta ah qado sharaf loogu sameeyey Qasriga Boqortooyada, munaasabadaasi oo ah casumaad ay Boqorada UK Queen Elizabeth II oo casuntay hogaamiyayaasha Afrika ee soo gaaray shirweynaha London.

Sidoo kale habeenimada Isniinta ayuu Madaxweynaha Puntland ay ka qeyb geli doonaan casho sharaf ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha Gudaha ee UK.

Shirweynaha Maalgashiga Afrika ayaa mid ay kasoo qeyb galayaan shirkadaha waaweyn ee caalamka, waxaana dalalka sida gaarka ah diirada loogu saaray kamid ah dalka Soomaaliya, dowlada Puntland ayaa lagu wadaa inay kusoo bandhigto mashaariicda ay daneenayaan iyo fursadaha maalgashiga ee ka jira deegaanada xasiloon ee Puntland.

no images were found

Farah Yassin Osman
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online