Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaliya

October 20, 2014 - Written by Editor

DSC00452Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Maanta Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Cunada Adduunka WFP ee Soomaliya Mr.Laurent Bukera ,Mr.Abubakar Sidiiq oo isna ah Madaxa Hay’adda WFP ee Puntland iyo Saraakil katirsan Hay’addaasi.

Dhinaca Puntland waxaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay kala qeyb galay Kullanka Wasiirka Wadaaradda qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax ,Wasiirka Wasaaradda Deeganka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo Sidookale Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalaam Xassan Ducaale.

Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-

1: Dardar gelinta Dayactirada lagu sameynayo Dekedda ,Wadooyinka iyo Garoomada diyaaradaha ee Puntland.

2: Dhamaystirka Dhismaha Xarunta Hay’adda WFP ee Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland .

3: In Hay’adda WFP ay  Xaduudaha Puntland gaarsiiso howlaheeda  iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ee Puntland.

4: Xoojinta Mashaariicda Horumarineed ee Hay’adda WFP hadda kawado gudaha Puntland sida Food Work iyo Food Voucher oo muhiimad weyn u leh Puntland .

no images were found

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ugu dambeyn Madaxda Hay’addaasi kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalami ah ee Puntland ,Wasaarada Caafimaadka Puntland ,Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ,Wasaaradda Deegaanka iyo Wasaarada Beeraha Puntland si howlaha horumarineed ee hay’addaasi kawado Puntland u noqdaan mira dhal .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online