Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha Cusub oo loo dhisayo Ururka Dowladaha Hoose Garoowe

October 27, 2014 - Written by Editor

DSC00558Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland ka dhagax dhigay dhismaha Cusub ee ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland.

Dhismaha xaruntaan ayaa waxaa fulinaysa Hay’adda UN-HAPITAT oo kamid ah hay’addaha ka howlgala Puntland,waxana ku guulaystay dhismaha xaruntaan Shirkada Saacid Conistraction Company .

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa si aad ah ugu mahadceliyey Hay’adda UN-HAPITAT oo mashruucani ka fulinaysa Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe .

‘’Waxaan rajeyn in dhismahaan uu noqdo mid anfaca wiilkeena wiilkiisa UN-HAPITAT waxaan uga mahadcelin shaqada faraha badan ee ay u hayaan shacabka Puntland waxana kula dardaarmayaa in ay laba jibaaraan dadaalkooda’’Ayuu yiri Cabdixakiim Camey.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidookale sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay soo badanayaan dhismayaasha quruxda badan ee laga hirgelinayo gudaha Puntland .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online