Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika oo si weyn looga ciiday

October 5, 2014 - Written by Editor

20141005_071519Johannesburg:-Waxaa maanta oo Axad ah si wayn looga ciiday Johannesburg Koonfur afrika, ciidan oo ahayd ciidul adxaa ayaa waxaa ay isku waafaqeen hay,addaha muslimiinta ee wadankan in maanta oo Axad ah la tukado salaada ciida, ka dib markii shalay ay tukadeen muslimiinta badankood caalamka, sababta maanta looga ciiday Koofur afrika oo ah in bisha dhalashdeeda la arkay Koofur afrika maalintii Jimcada taas oo ka dhigayso in maanta oo Axad tahay ay ku beegan tahay maalintii tobnaadka ee la tukan jiray.

Majliska al-bayaan oo mas,uul ka ah dacwada Jaaliyada Soomaalida Koofur afrika ayaa go,aansaday in muslimiinta wadanka lala ciido maadama salaada ciida tukashadaydu ay tahay suno halka midnimada ilaalinteeda ay tahay waajib, ayadoo horay loogu balamay hay,ada wadanka ugu wayn ee jimciyatul culumaa oo ay al-bayaan xubin ka tahay in muslimiinta ay is waafaqaaan si hal maalin loo wada ciido.

Maanta soomaalida iyo muslimiin kale oo ay ka mid yihiin itoobiyaan, malaawiyaan, iyo jaaliyado kale ayaa waxay salaadii ku oogeen garoonka forsburg ee ku yaala xaafada Mayfair ee soomaalida u badan tahay, waxaa ugu horayntii kalimad Soomaali ah ku bilaabay Sheekh Maxamed Aadan C/lle asagoo dadka ugu hanbalyeeyay maalintan qiimaha badan xasuusiyayna soomaalida sida loogu baahanyahay in ay isku duubnaadaan oo ay ka fa,iidaystaan maalmahan qiimaha badan ee allah uu siiyay.

Intaa ka dib waxaa kalimad afka oromada ah soo jeediyay Sheekh Isxaaq oo asagana ka hadlay sida ay u qiimo badantahay maalintan ciida adxada ah iyo asagoo ku booriyay muslimiinta Oromada ah ee soo tukaday in ay ku dadaalaan allah ka cabsi iyo toosnaanta diinta, waxaa xiiriirinaayay barnaamjkii maanta ustaad axmed siraaji oo ku hadlaayay luuqada ingiriisiga iyo soomaaliga labadaba, asagoo kalimadii wacdiga ee ingiriiska soo jeediyay kuna booriyay muslimiinta dhamaan isku xirnaan iyo in walaalnimadooda ay adkeeyaan, ustaad siraaji waxaa uu si gaar ah uga hadlay maanlintan iyo gowraca la jideeyay iyo meesha uu ka soo bilaabmay.

Waxaa salaada tujiyay shariif maxamed oo ah imaamka masjidka shaafici, ayadoo khudbadana uu aqriyay Sheekh Xamdaan oo ka mid ah culimada waawayn ee u dhashay jaaliyada itoobiyaanka ee koofur farika.

Ugu danbaystii waxaa laga dareemaayay farax iyo rayn-rayn wayn jidadka waawayn ee xaafada soomaalida ay ka degantahay johanneburg, ayadoo loo dareeray markii salaada laga soo baxay beerta wayn ee ku taalo xaafada halkaas oo caruurta iyo dadka waawaynba loogu diyaariyay waxyaabo ay ku madadaashaan oo uu ka mid ahaa geela oo la fuulo iyo fardaha oo ayana la fuulo iyo waxyaabo kale oo loogu dabaal dagaayay maalintan faraxa wayn leh ee ciida.

Waxaana barnaamijkaa faraxa ah soo diyaariyay safaarada soomaalida ee koofur afrika qaybteeda dhaqanka iyo tacliimta.

no images were found

 

Waxaa diyaariyey

Maxamed aadan Abdille

Gudoomiyaha Dacwada Gobolka
Gauteng ee Al-Bayaan

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online