Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo si weyn looga ciiday[Masawiro]

October 4, 2014 - Written by Editor

Ciidul_Adxaa_Qardho-5Qardho:-Munaasabadda maalinta Ciidul Adxaa ayaa maanta laga ciiday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,shacabka ku nool magaalada ayaa saladda ku dukaday goobo kala duwan waxaana ka mid ahaa meelaha saladda maanta ay dadku ku dukadeen Masalaha weyn ee ku yaalo konfurta magalada Qardho,waxaana halkaasi laga soo jeediyey khudbado kala duwan.

Gudoomiyaha Gobolka karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan oo la hadlay Dadkii ka qeygalay Dukashada Salaadda Ciida ayaa waxa uu sheegay in uu Salaan ka wado Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uuna la qeybsamayo Farxadda munaasabadda Ciida.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa shacabka Gobolka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ammaanka kana qeybgalaan sidii loogu hortagilahaa xaalufinta lagu hayo Deegaanka oo in muddo ay socdeen Dhir jaridda taasoo keeni karta hadii aan wax laga qaban nabaad guur ku dhaca Deegaanka.

Shiikh Fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ah Culma’udiinka ayaa sheegay in maanta oo kale ay haboon tahay in laga farxiyo masaakiinta si ay u dareemaan farxadda iyo reenreynta Munaasabadda Ciida waxa uuna ku baaqay in la taageero Dadka xanuunsan ee lixaadkooda la’.

Shiikh Fu’ad ayaa si kulul ugu hadlay Dhibaatada heysata Ummadda Somaliyeed waxa uu Tilmaamay in Mushkiladda ugu weyn ay tahay Qabiilka kaasoo kala irdheeyey ummadda waxa uu sheegay in ay Haboontahay in Ummadda Somaliyeed ay gacmaha is qabsadaan oo halmid noqdaan kana fogaadaan Qabiilka iyo dhibka uu leeyahay.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay Munaasabadda Maalinta Ciida ayaa shacabka Somaliyeed u rajeeyey Guul iyo Barwaaqo,wax uu allaah ka baryey in Umadda Somaliyeed siiyo Midnimo,Wadajir iyo Israac,Tafaraaruqa iyo qalalka in uu ilaahay ka saaro,Dhammaan Umaadda Muslimiinta ee xajineyso in uu illaahay Hajka ka aqbalo,waxa uuna hambalyadda Munsaasaddba Ciida u diray dhammaan Shacabka Somaliyeed iyo shacabka Puntland.

Guud ahaan waxaa maanta si weyn loogu ciiday Magaalada Qardho iyadoo dadweynaha ay isugu yimadeen Goobaha ay intabadan ku kulanto Bulshada waxa ayna iskugu halbelyeen Farxadda Maalinta Ciiddul Adxaa.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online