Mar Kale iyo Buuga loogu magac daray Xadka Riddada! Qeybtii (1) W/Q Sheekh Maxamed Idirs

October 12, 2014 - Written by Editor

idirsMecca:-Ayaamihii barakaysnaa ee xajka lagu maqnaa waxaan filayaa in dadka qaar sii wad wadey sheekadii buuggii Saaxiibkeen Cabdi Siciid Ismaaciil “Xadka Riddada Maxaa Ka Run ah”.. Intaan Joogney Dhulka Barakaysan ee Makka Al Mukarramaha, Allaha Ilaaliyee, waxaan arkay Farriin uu soo geliyey Qoraaga Buuggu oo uu jawaab uga dhigayey Naseexadii Sh. Maxamed Cabdi Umal Allaha Dhawree.

Waxaan kaloo arkay ilaa 2 qoraal oo ay qoreen rag is yiri mindhaa wadaadka buuga qoray taageera, laakiin haadaanka kasii tuuraya, waayo saaxiibka dhabtaaye waa kan runta kuu sheega ee maaha kan wax walba kuu rumeeya.. Waxaan filayaa Culimada wadaadka buuga qoray u naseexayneysaa iney waxbadan uga hiil badan yihiin kuwa sii takhantakhaynaya..

Waxaan aad ugu raja weynaa walaalkeen Cabdi Siciid inuu garwaaqsan doono arrimaha khatarta ah ee buugga ku qoran, oo Sh. Maxamed Umal iyo dad kaleba ay baraarujiyeen, Xaqqa oo loo noqdaana waa fadiila wanaagsan, dhamaanteenna qaladku wuu naga dhacaa oo ceeb ma aha in bani aadamku gafo waayo wuuba u abuuran yahay, laakiin waxaa ceeb ah in qofku qaladka ku adkaysto ama ku madax adaygo, taasoo aan natiijadeeda marna la mahadin..

Waxaan gacanta ku hayaa, Qoraal ku Magacaaban “Xadka Riddada: Maxaa Ka Run Ah? Siciid A. Ismaaciil, Okt 28, 2009. Laguna Faafiyey barta Internetka, Bogga: WardheerNews.com.. Waana 63 bog.. Waxaanan Filayaa inuu yahay Gundhigga Buugan uu Hadda Nairobi Ku Daabacay Wadaadku…

Hadii aaney arrintu Ula Kac iyo Indha Adayg ahayn, ama Ujeeddo Qorshaysani ka dambayn, waxaan filayaa Buuggan waxa ku qorani wax la difaaci karo maaha, Waana wax aan aan kuba socon karin Bulshada Soomaaliyeed ee Ilaahay Fadligiis Sanadahan dambe wacyigooda diiniga ahi aad iyo aad u sara maray, kan ugu yarina cilmi dhegood badan diinta ka haysto..

Hayeeshee, bal waxaan isku deyayaa inaan akhristayaasha la wadaago, tusaalayaal ka mid ah waxyaabaha buugaas ku qoran, oo Meel loogaga dhacayo, Laguna Jaa’ifaynayo: Diinta Islaamka, Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Saxaabada Allaha Ka Raalli Noqdee, Xaasaskii Nebiga Calayi Salaatu Wasalaam Gaar Ahaan Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, Culimadii Islaamka iyo Salafkii Wanaagsanaa Allaha u Naxariistee, Ummadda Islaamka oo dhan Gaar ahaanna Soomaalida, iyo Xaqiiqada Taariikhda Islaamka, Intaas oo dhan waxaa lagu salooshay 63 bog ee aan soo sheegay.. Subxaanallaahil Cadiim..

Waxaa taa kasii daran qaabka looga hadlaayo arrimahaas waxa ku jira quursi, jees jees, iyo Qoraaga oo aad moodo wax Cajabiyaba Ummadda iyo Diinteeda iyo Taariikhdeeda inaaney ku jirin ee sawirka ugu foolxun inuu kasoo saaro..safxad wanaagsan oo taariikhana barta madow ee ku jirta uu kasoo qaato…Halka aan filayo Ummaddu qalad waa leedahay, oo waa bani aadam, laakiin waa Ummad Muslima, Ummad Sharaf leh, Ummad Khayr badani ku jiro, Ummad Ammaan iyo Wanaag Mudan..

Waa Ummad diinteeda jecel oo ku wada hal qabsaneysa Gabaygii Cusman Yusuf Keenadiid Allaha u Naxariistee:

Nin Shukriga Ilaah iyo Shahaadada Qiraan Ahay

Nin Shuruudda Tawxiidku Ku Shisheyso Baan Ahay

Niman Sharacu Suu Yiri, Shakiyaynin Baan Ahay

Nin Shafeecadii Nebiga, Shinsanaaya Baan Ahay

Nin Shuuriyo Ancaam iyo, Shucaraba Dhigtaan Ahay

Wixii Shuhubo iyo Ceeb ah, Nin Ka Sheexayaan Ahay

Nin Shiddiyo Khilaaf iyo, Sharka diiddan Baan Ahay

Nimaan Shuush Ilaah Gelinin, Kana Shaafiyaan Ahay

Nimaan Shuqulka Gaalada, Shaabahaynin Baan Ahay

Nimaan Sharafta Soomaali, Shayna Dhaafsan Baan Ahay

Cabdi Siciid isagoo Hordhaca Buugiisaba ugu sii Bisin Bisoonaya Quursiga Ummaddiisa wuxuu Safxadda u Horraysa ku qoray Hadalkan:

1) ((Bulshada islaamka oo ay ku yar yihiin aqoonta iyo naqdigu waa mid u nugul faafidda khuraafaadka iyo sheeko-baraleeyda. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in diinta islaamka lagu barxo dhaqankii Carabta iyo fikradihii culumada islaamka, ilaa heer ay ka qariyeen diintii islaamka ee nebi Muxamed (SCW) lagu soo dejiyey)) Bogga 1.. Qoraalka: Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah, ee WardheerNews kusoo Baxay..

Hadalkaasu Ma aha mid sax ah Sababa badan Awgood:

* Ummadda Islaamku Waa Taariikhda Bani aadamka oo Dhan Ummadda ugu Aqoon Badan Diinta iyo Taariikhda..Waxaana Daliil u ah Inaaney Jirin Ummad Qortay intey qortay gaar ahaan Qarniyadii Hore ee Horumarka Islamku Hana qaaday.. Heer hal qof oo keliya uu Allifo 600 ilaa 700 kitaab qaarkoodna 30-70 Mujjalad ay ka kooban tahay, Sida Al Imaam Ibnul Jawzi Raximahullaah (597 H).

* Waxaan Laysku diidanayn Ummadda Islaamku Iney Adduunka Cilmiga Nooc Kasta Indhaha ugu Furtay, Diin iyo Maaddi, in kastoo Qarniyadan Dambe ay dib u dhacday..

* Adduunka Jaamacadaha iyo Madaarista Nidaamka leh, iyo Gabdhaha oo Wax la baro waxaa ugu Horreysey Ummadda Islaamka, Yurubna Jaamacadii u horraysey Ugu Yaraan 3 Qarni ayey ka Dambaysey Dunida Islaamka.

* Hadey Noqoto Naqdiga Cilmiga ah, Wexey Ummadda Islaamku Hindistey Culuumta Xaddiiska si loo Ilaasho Sunnada Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam, Laguna Kala Shaandheeyo Hadalada loo Tiirsho Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam, Kaasoo Culimada Islaamku Ilaa Maalinkan aan Joogno ay ku bixiyeen Cimri iyo Dadaal, si aan Taariikhda Bani aadamka Lagu arag..

Ummadda Sidaasa in La yiraahdo Waxa ay Haysato Taariikh iyo Diin iyo Cilmi Khuraafaad baa ka buuxa, ay garan waayeen Culimada Islaamku, sidaa awgeedna wexey u baahantahay, rag dhiirran oo warjeef intey dhinac kaga bilaabaan dhanka kale uga baxa iyagoon Ummadda iyo Diinteeda iyo Culimadeeda iyo Taariikhdeeda iyo Qaababka Cilmiga ah ee wax loo naqdiyo ama loo soxo, innaba u aaba yeelayn, Sida ay rabaan Cabdi Siciid iyo Asxaabtiisu Taasi waa mid aaney Bulshada Islaamku ka yeelihayn Ilaahay idankiis…

Waa socotaa…..
W/Q Sheekh Maxamed Idirs Axmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online