Mar Kale iyo Buuga Loogu Magac Daray Xadka Riddada (2)W/Q Sh Maxamed Idirs

October 14, 2014 - Written by Editor

idirsArrimaha Buuggani ugu gafey Ummadda iyo Diinteeda mid mid ayaan usoo qaadayaa, Qoraalkii horena waxaan kaga Hadlay Masa’alada 1aad, bal hadda aan xooga buugga ugu daadegno si kooban oo maqaamka qoraalkani qaadi karo:

Mas’alada: 2aad: Cayda Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam iyo Shareecada Islaamka

Wadaadku wuxuu buugiisa ku qoray Sidatan:

(Axaadiista nebiga (SCW) carrabka loogu tiro ee aan har iyo habeen maqalno waxaa ka mid ah kuwa oranaya: ” Seef baa la ila soo diray, kheyrkuna seeftuu ku jiraa.” iyo mid kale oo oranaya: “Ummaddaydu kheyr ka suuli mayso inta ay seefta sidato.” iyo weliba mid kale oo oranaya: “Arsaaqdayda waxaa la galiyey warankayga hoostiisa !! “. Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?) bogga 1aad, Qoraalka Xadka Riddada, WardheerNews.

 

Hadalkaa wuxuu sii adkeeyey mar lagu waraystay TV HCable, wuxuuna xarfi ahaan u yiri: (( Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn)..

Waxaan Jaa’ifooyinka uu wadaadku geystey u kala qaadeynaa saddex arrimood mid walbana iskeed ayaan xoogaa u iftiiminayaa Insha Allaah:

 

  • Waa Xadiiska oo uu ku sheegay Mid aan Jirin kuna jees jeesay (Ma uusan ku gaabsan in laga doodo xadiiska darajadiisa saxiix, ama xasan, ama daciif oo ah inta xadiiska loo kala qaybiyo, taasoo ah mid banaan oo aan qaylo ka yeerin horana dad uga dooday ay jiraan)
  • Qaniimada oo uu ku sheegay Bililiqo, (Xoola la dhacayo oo la boobayo).
  • Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam oo uu ku sheegay inuu Bililiqadaas ku noolyahay..

 

Mid walba aan wax yar ka iraahdo..Ilaahay nama hoojiyee..

 

Waxaan Filayaa Cabdi Siciid si kastoo uu u gal gasho inaanu Jaa’ifadaa weyn ee diinta iyo Rasuulka Calayhi Salaatu wasalaam uu u geystey meel uu uga bixi karaa inaaney jirin oo aan ka ahayn inuu hadalkaa dib uga noqdo, Waana Midda aanu la jecelnahay, aadkana u fudud, una wanaagsan..Soomaalidu waa tan tiraahda “Fallaari Gilgilasha Kaagama Baxdo”..

 

  • Hadalku Wuxuu Xambaarsan yahay Inkiraadda iyo Ku Jees Jeeska Xadiis ay culimada badankoodu sugeen, oo Qoraagu inta kala jar jaray dhawr xadiis madaxa isu geliyey, Caradiisana ku malaasay Xadiiska Jihaadka sheegaya.
  • Xadiiska oo dhamays tiran sidan ayaa looga weriyey Cabdullaahi Ibnu Cumar Radiyallaahu Canhuma Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam inuu yiri:   (Waxaa Layla Soo Diray Seef Saacadda Horteeda Ilaa Ilaahay Keliya La Caabudo oo aan loo Shariik Yeelin, Riziqaygana Waxaa la Dhigay Warankayga Hadhkiisa, Dulli iyo Darxumona Waxaa leh Cidii Amarkayga Khilaafta, Qofkii Dad isu ekeysiiyana Waa Ka Mid).
  • Bal Xadiiska Maxaa dhib ah oo ku jira, wuxuu sheegayaa wax aayada badan iyo axaadiis kaloo cad cad ay sheegayaan, waana sida ay Culimadu ku fasireen marka lagu dhinac qabto aayadaha iyo Axaadiista kale..
  • Xadiisku waxaa weriyey in ka badan 20 Culimada Xadiiska ah, Wuxuuna ku xusan Yahay Kutubta Xadiiska iyo Tafsiirka ugu Waaweyn, Imaam Bukhaarina isagoo Tacliiq ah ayuu qayb ka weriyey.
  • Culimada werisey waxaa ka mid ah Culimo ilaa Qarnigii 3aad ee Nebigu Amaanay soo Taxnaa Sida: Imaam Axmad Ibnu Xanbal (241 H) , Imaam Khadiib Al Baqdaadi (463 H) Imaam Ibnu Abii Shayba (235 H) Imaam Cabd Bin Xumayd (249 H) Imaam Ibnul Acraabi Mucjamkiisa (340 H) Imaam Daxaawi (321 H) Imaam Tamaam Al Raazi (414 H) Imaam Baihaqi (458 H) Imaam Tabarani (360 H) Imaam Ibnu Xajar Al Casqalani (852 H) Imaam Abubakar Al Dainawari (333 H) Imaam Ibnu Casaakir (571 H) Imaam Al Dahabi (748 H).
  • Waxaa Xadiiska Sharaxaad Badan Ka bixiyey Culimada Xadiiska Ilaahay ha sharfee, oo Macnihiisa caddeeyey, inaaney is diidayn, Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam in Raxmad ilaahay usoo diray, iyo in Jihaadka Lala Soo diray..Labadana wuu fuliyey, oo Raxmadna kan ugu badan Bani aadam ayuu ahaa, Jihaadkana kan ugu badan ayuu ahaa, Ilaahay Jidkiisa iyo Diintiisa loo Jihaado.
  • Culimada Xadiiska Qaarkood Xadiiskaan sida uu Muhiimka u yahay wexey ka bixiyeen Sharax gaara oo Kutub Gaar ah ayeyba ka allifeen sida Imaamka Cilmi Baarista Xadiiska iyo Sunnada ku Dheereeya Imaam Zainuddin Ibnu Rajab Al Xanbali Raximahullaah (795 H) oo kitaabkiisa u bixiyey: (Al Xikam Al Jadiira Bil Idaaca Min Qawli Annabiyi Salalahu Calayhi Wasalama Bucithtu Bayna Yadayi Saaca) (Xikmadaha Mudan in La Weriyo..ee Qawlka Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam Waxaa Layla Soo Diray Seef Saacadda Horteed) Si wanaagsan ayuuna u sharxay oo cilmi iyo iftiin ka buuxo qofkuu ilaahay tuso..
  • Xadiiska Culima daciif ku sheegtay ayaa Jirta, Casrigan Haddana waxaa Wadaadkan uga horreeyey Wadaada Dhawra oo uu ka mid yahay Sh. Yusuf Al Qaradaawi, iyo Sh. Maxamed Al Qasaali Allaha u Naxariistee, iyo Ragga (Caqlaaniyiinta) Lagu Magacaabo ee Nusuusta Kitaabka iyo Sunnada ka hormariya Caqligooda Sida Dr. Taha Jaber Al Calawaani, oo Cabdi Siciid wax badan kasoo qaatay, laakiin sidey isu ilaaliyeen isagu isuma ilaalin..Dhibna ma leh in Xadiiska baaritaan lagu sameeyo, laakiin isagoo dhanba in wax beena laga dhigo, oo haddana wuxuu sheegayey ee qaniimada ahayd, bililiqo lagu sheego, oo Haddana Rasuulka lagu afla gaadheeyo inuu bililiqadaa cuno, ayaa Cabdi Siciid la gaar noqday.
  • Xadiiska waxa Culimada Qaarkood u daciifiyeen waa nin ku jira sanadka oo la yiraahdo (Cabdiraxmaan Ibnu Thabit Ibnu Thawbaan) oo wax laga sheegay, Laakiin Culimada intooda badani wey sugeen, hadlaka ninkaana wexey sheegeen in lagu kalsooni qabo, Sh. Al Baani Wuxuu ku saxiix yeelay saddex kitaab oo kutubtiisa ka mid ah wuxuuna yiri markuu xadiiska soo arooriyey: (Kani waa Isnaad Wanaagsan, Ibnu Thabitna waxbaa laga sheegay aan dhib lahayn) Jilbaabka Gabadha Muslimadda (203) iyo Irwaa’ul Qaliil (1269)..
  • Culimada Xadiisku wexey axaadiista iyo ragga weriyey u naqdiyaan si cilmiya oo daqiiqa oo aan Adduunka oo dhan mid la mid ah lagu arag, laakiin kuma jees jeesaan, Mana diidaan Macnaha uu xambaarsan yahay, hadii ay axaadiis kale tuseyso ama shareecada Mas’ala ku jirta ay tahay, ee wexey baaritaanka cilmiga iyo doodda ku gaabiyaan sancada ah xadiisku inuu sugan yahay iyo inaanu sugnayn..
  • Xadiiskan Wuxuu La Mid Yahay Xadiisyada Bukhari iyo Muslim iyo Sunantaba ku Sugan ee aan doodi ka taagnayn sida: (Umirtu An Uqaatila Naas Xataa Yashhaduu An La Ilaaha Illalaah….) (Waxaa Lay Faray Inaan Dadka La Dagaalamo Ilaa ay Ka qiraan Shahaadada, oo Salaadaan, oo Sekaystaan, Hadey Sidaa Yeelaan, Dhiigooda ayey iga badbaadsadeen…)..
  • Meesha Inkaartu ka raacday wadaadka iyo Qolooyinka uu ku daydayba waxaan filayaa iney tahay iney jeclaysteen Islaamka iney u sawiraan mid aan lagu soo qaadi karin, sharcigiisana aaney ka mid ahayn wax la yiraahdo Dagaal ama Seef!! iyagoo la liicsan culayska maskaxeed ee ka saaran waaqica adduunka iyo Gaalada iyo Cilmaaniyadda Hororka ah ee Dooneysa diinta in la waayo! Laakiin waxaa isaga banaanayd iney iska aamusaan oo aaney Diinta wax aan ka mid ahayn aaney ku xambaarin..
  • Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa ahi isma khilaafaan, Kullina waa lagu camal falaa midba meesha ay ku haboontahay sida Culimada Ummaddu intaasoo qarni ay qorayeen oo caddaynayeen, Nebigu Calayhi Salaatu Wasaalaam, Waa Raxmad iyo Naxariis, Waa Hanuun iyo Xikmad, Waa Debecsanaan iyo Dhimrin, Isla Mar ahaantaasna waa Hogaamiye, Waa Mujaahid, Ciidama Hogaamiyey, oo 10 sano gudohood 27 goor intey ugu yartahay Duullaamada Hogaamiyey, Inta Kalena Rag Abaan Duullayaal ah Dirayey..Sida uu Dacwadda iyo Naxariista iyo Xikmadda u wadey ayuu meesha ku habboonna Dagaal iyo Duullaan iyo Difaac iyo Shahiidnimo Raadiyey, Xoola Qaniimaystay, Magaalooyin Qabsaday.. Labada Wajiba Sharcigiisa ayey ka mid yihiin..Ninkii Taasu ay dhibeyso waa inuu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ka tirtiraa ugu yaraan 3 meelood oo Meel, mana awoodi karo!

 

Wadaadka Cabdi Siciida iyo Kuwa u Sacab Tumaya Waxaan Leeyahay: Sida aanu uga soo horjeensaney Al Shabaab, iyo Al Qaacida, iyo Wixii La Hal Maala, ugana diidney Iney Muslimka Gaalaysiiyaan, ama Ridda ku Xukumaan, ama Magaca Jihaadka dilaan oo Masaakiin la Qarxiyo, iyo Dad Tukanaya oo Masaajidda lagu ugaarsado Jihaad ku sheegaan, Dhiiggayaguna ugu Daatay, Si Leeg ama ka daran ayaanu uga soo horjeensaneynaa Kuwa Doonaya Diinta iney nasakhaan, ama Ku Ciyaaraan oo Wexey Rabaan ka Saaraan, ama Diinta Dookhooda iyo Hawadooda ku Cabbiraan, oo wixii Dookhoodu rabin ku jees jeesaan ama ka tuuraan, iyagoo marada naqdiga soo huwanaya..

 

Kuwaa iyo Kuwan Toonna Laga yeeli Maayo, Wadadii Habaar Qabayaashu Mareen ayaa Kuwanuna Marayaan Insha Allaahu, Waxaan Mar Kale Ku Celinayaa, Xaqqa oo Loo Noqdaa waa Fadiila Wanaagsan, Ilaahay Xaqqa Ha Na Tuso, Kuwa Raacana Hannaga Dhigo, Ummadooda iyo Diintooda iyo Culimadoodana Kuwa Wanaag u Arka Allaha Naga Yeelo, Allow Hanna Hoojin…

 

La soco qaybta.. 3aad.. W/Q Sh Maxamed Idirs

Halkan ka eeg qeybtii 1aad Mar Kale iyo Buuga Loogu Magac Daray Xadka Riddada

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online