Mar kale iyo Buuga loogu magac daray Xadka Riddada Qaybta 3aad

October 19, 2014 - Written by Editor

sheekh_IdirsMar Kale iyo Buuga Loogu Magac Daray Xadka Riddada (3) Cabdi Siciid wuxuu Qoray Sidatan: ((Axaadiista nebiga (SCW) carrabka loogu tiro ee aan har iyo habeen maqalno waxaa ka mid ah kuwa oranaya: ” Seef baa la ila soo diray, kheyrkuna seeftuu ku jiraa.” iyo mid kale oo oranaya: “Ummaddaydu kheyr ka suuli mayso inta ay seefta sidato.” iyo weliba mid kale oo oranaya: “Arsaaqdayda waxaa la galiyey warankayga hoostiisa !! “. Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?) bogga 1aad, “ Xadka Riddada Maxaa Ka Run Ah” WardheerNews.

 

Hadalkaa wuxuu sii adkeeyey mar lagu waraystay TV HCable, wuxuuna yiri: (( Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn). Waa Hadalkiisi oo duuban..

Xaashaa Lilaahiye, Hadduu wadaadku Hadaladaas ka noqday, ama buriyey, oo leeyahay warkaasu waa hore ayuu ahaa, oo hadda anigu sidaa ma qabo, hadalkaasuna Marnaba mid meesha iyo maqaamka qabta ma ahayn, wadaadka waan ka gar daranahay, hadalkaygana xaal baan ka bixiyey!! Hadduuse weli sidaa ku adkaysanayo oo isku deyayo inuu difaaco, waxaan la difaaci karin, waxaan leeyahay, taasi waa gafkii oo lagu madax adaygay, ciribteedana lama mahadiyo..

Mas’aladii 1aad Xadiiska iyo Sugnaanshihiisa, iyo Sida Culimada Islaamka Qaarkood Kutub gaara uga Qoreen, ayaan kaga hadalnay..

Masa’alada 2aad: Waa Hadalka Jaa’ifada ah ee Suubbanaha Loo geystey ee Cabdi Siciid Yiri:

(Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?)..

 

1)         Horta Qaniimadii wuxuu ka dhigay bililiqo..

2)         Rasuulkuna Calayhi Salaatu Wasalaam Haduuba Qaniima Cunay ama Xadiiskan siduu sheegayo ha ahaato ama mid kale ha sheego waa Bililiqo Ku Nool..(Ilaahay baan ka magan galnay hadalkaas)

3)         Xadiiskan ah in Nebiga Arzaaqadiisa ay ka mid tahay: (Qaniimadu) haduu Cabdi Siciid diidan yahay, waxaa ku filnayd inuu diido sugnaantiisa, laakiin Qaniimada aanu Bililiqa ku sheegin.

4)         Gilgilashada Cabdi Siciid ee ah: Su’aashu waa (isweydiin diidmo ku jirto) ama carabiga (Istifhaam Inkaari), Taasi waa fallaar meel cidlaa ku dhacday, Waayo Hadiiba aan u rumayno Cabdi arrinkaa oo uu ku dhisay Xadiisku inaanu jirin, Muxuu noqonayaa Hadalku marka aan ogaanno Qaniimadu iney Qur’aanka iyo Sunnada ku sugantahay, Rasuulkuna Cunay, Sow Macneheedu maaha: Rasuulka iyo Asxaabtiisu wexey ku noolaayeen Qaniimo, oo Cabdi Siciid u yaqaan: Bililiqo!

Mas’alada: 3aad: Qaniimadu Ma “Bililiqaa” La Yiraahdaa?

Cabdi Siciid Wuxuu ku sheegay Qaniimada”Bililiqo” Ilaahayna Qur’aanka Kariimka ah ayuu ku yiri: (Cuna Wixii aad Qaniimaysateen iyadoo Xalaala oo Wanaagsan….) Aayadda 69 Suuratul Anfaal… (Ilaahay Mu’miniinta Raalli ayuu ka noqday markey geedka hoostiisa Ballanta kugula galeen, Qalbiyadooduuna Ogaadey Waxa Ku Jira, Naxariis iyo Xasiloonina waa kusoo dejiyey, Furasha Dhawna waa ugu abaal gudey iyo Qaniima Badan oo ay heli doonaan, Allaha Casiiskaa ee Xakiimkaa) Aayadda: 18 Suuratu Al Fatxi. (Ilaahay wuxuu idiin ballan qaaday Qaniima Badan oo aad Qaadan doontaan, Middanna waa idiin soo de dejiyey) Aayadda: 20 Suuratul Al Fatxi..

Sidoo Kalena Axaadiista Saxiixa ah ee Bukhaari iyo Muslim iyo Qeyrkoodba ay weriyeen ayuu Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam ku sheegay (Qaniimadana waa la ii xalaaleeyey).

Sidaa darted waa hadal Jaa’ifa weyn iyo aflagaadho ku ah Qur’aanka, Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Asxaabta Ridwaanullaahi Calayhim, Diinta Islaamka iyo Muslimiinta oo dhan, oo Cabdi Siciid u geystey markuu Qaniimada ku tilmaamay iney tahay Bililiqo, Rasuulka iyo Asxaabtiisuna Maadaama ay cuneen ay yihiin, Bililiqa Ku Nool? Ilaahay ayaan ka magan galnay hadalkaas!

Warkaasu war hadda fasiraad badan nooga baahan maaha, waxaanuna la jeclayn Wadaadka inuu arrinkaa ka noqdo, oo aanu wax iska cad ku madax adaygin..

Mas’alada: 4aad: Wuxuu Yiri Cabdi Siciid: (( Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn)..

Yaa yiri: Waa Fikrad Dhamaatay oo aan manta iyo berry toonna la dhaqan gelin Karin? Yaa Kaaga Horreeyey?

  1. a) Wadaadku wuxuu inkirayaa Qaniimadu iney tahay wax ka mid ah sharciga Islaamka oo markey meesheeda timaado lagu dhaqan gelinayo.
  2. b) Wuxuu inkirayaa: Iney ku sugan tahay Nusuus Cad Cad oo aan dal dalool lahayn..
  3. c) Wuxuu moogyahay hadaaney manta meela badan ka dhaqan geli Karin, ama muslimiintu daciif yihiin, iney berry imaan karto, amase sebenkaan ba ay jirto meela ay ka dhaqan geleyso iyadoo saxan..
  4. d) Wuxuu Wadaadku albaabka u furayaa: Qof walbaa wixii cajabin waaya diinta inuu yiraahdo “adduunka maanta kama shaqayneyso”. Waana Wadadii Hawa Raaca ee lagu lumay.
  5. e) Diinta iyo Sharciga miyaa lagu diidaa oo lagu duudsiyaa” Adduunka Maanta Ka shaqayn meyso”..

Qorayaasha Carbeed ee aan Qaarkood Tilmaamay Sida Daaha Xuseen iyo Faraj Fooda iyo Maxamed Cumaara iyo wixii la halmaala oo iyaga laftooda waqtiya dheeri u dhexeeyeen, ama raga Culimada ahaa ee Fikirka (Caqlaaniyada) oo ah (Caqliga Qofka in laga hor mariyo Nusuusta) uu saameeyey ee arrimahaan wax ka qoray, Culimada Islaamka Casrigaanna Jamaahiirtoodu ay diideen, Sida Sh. Abu Zahra iyo Sh. Al Qasaali Allaha U Naxariistee, marna kuma dhiirran iney bililiqo iyo wax la mid ah ku sheegaan Nebiga iyo Asxaabtiisu iney Cuneen, ama Qaniimadu iney tahay: Bililiqo…meela kale ayey kusoo war wareegi jireen, sida Jihaadku sebenkaan inaanu munaasib ahayn iyo Xadiisyada qaar iney dacfi ku sheegaan..

Waxaan kusoo afmeerayaa, Bililiqo meesha wexey meesha usoo gashaa ma oolin oo aan ka ahayn aflagaadho iyo ku jees jees.. Laba goorena hadiisku haduu saxiix noqdo iyo hadii dacfi ku jiroba, bililiqo warkeed meesha ma yaallo, ee wuxuu ahaa, Qaniimo Kitaabka iyo Sunnada iyo Ijmaaca Ummadda ku sugan..Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo..

La soco.. 4aad.Insha Allaah… Jaa’ifooyinka Cabdi Siciid u geystey Saxaabada….

W/Q Sh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online