Mar Kale iyo Buugga loogu Magac Daray Xadka Riddada ..(4) W/Q Sh Maxamed Idirs

October 25, 2014 - Written by Editor

idirsMar Kale iyo Buugga loogu Magac Daray Xadka Riddada .Mas’alada 5aad: Gafka iyo Jaa’ifaynta Asxaabtii Radiyallaahu Canhum.Ilaahay Qofkuu Halaag La doono Cidi Ma Badbaadin Karto, Qofkuu Ilaahay Badbaadinayana Meelaha Lagu Halaagsamo ayuu sababeheeda Ilaahay Ka dawuwaa..

Jararka ugu daran ee laga dhoco, oo Lagu Halaagsamo, waxaa Ka mid ah, In Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam iyo Diinta lagu Jees Jeeso, ama Saxaabada iyo Wixii Dhex maray Qofku Carrabkiisa ku Qaado, oo Niyadooda Tuhmo, ama Niyad Xumo ku Tilmaamo, ama Qaladaadkooda si Xun u Fasiro.

Iyadoo ay Ahlu Sunnahaha Ilaahay Sugay ay isku Waafaqeen: Wixii Saxaabada Dhex maray inaan Carabkaba lala gelin, Hadii Laga Hadlana Si Wanaagsan iyo Ammaan lagaga Hadlo, wixii Qalad ka dhacana Lagu xambaaro niyad fiican, iyo iney qaladkaaba ajar ku leeyihiin, Maadaama ay dadaal iyo xaq doon ahaayeen, Ilaahayna u dhaafay, oo Raalli ka noqday, siduu Qur’aanka Kariimka ah ku sheegay, Nebiguna Calayhi Salaatu Wasalaam Axaadiis Badan ku Caddeeyey..

Ilaahay Qadartiis, Waxaan la yaabay, Halka Cabdi Siciid, Saxaabada Waaweyn aanu hal marna u cudur daarin, qalinkiisu awoodi waayey warkooda inuu wanaag u fasiro, ee uu isku xiijinayo inuu u sawiro: Iney qabyaalad iyo adduunyo u dirirayeen, Wuxuu difaac weyn ugu jiraa mid kasta oo shar lahaa.. Wuxuu Difaacayaa oo cudur daarro u raadinayaa:
1) Sheydaanka
2) Munaafiqii Cabdullaahi Ibnu Ubaya
3) Ninkii Nebiga Calayhi Salatu Wasalaam Ku yiri: Cadaalad Samay!
4) Jacad ibnu Dirham oo Madaxa Bidcada Ahaa
Kuwaas iyo Weyrkood iyo Falaasifada wuu u doodayaa, Laakiin Saxaabada inta sheekooyin wada been ah soo urursado ayuu ku dul dhisayaa xukun ah in saxaabadu adduunyo ku dirirayeen, qabyaalad ka duulayeen, loollan kursi u suxul duubayeen, xisbiya Siyaasadeed wateen..

Gadaal Waxaan ka sheegi Doonaa Nusuusta Cad ee Qur’aanka iyo Sunnada iyo Hadaladii Culimada ee ku aaddan Saxaabada Allaha Raalli Ka Noqdee, Laakiin Bal aan wax yar ka soo Qaado Cabdi Siciid, Siduu Saxaabada uga Hadlayo..
Cabdi Siciid Markuu ka hadlayey Kulankii Saxaabada ey Khaliifada Abubakar ku dooranayeen wuxuu yiri:

(…..furdaaminteedu ma ahayn arrin fudud, waayo dan iyo damac ayaa dabada ka riixayey).Bogga 9aad.

Muhaajiriintii iyo Ansaartii Ilaahay Qur’aanka ku sheegay iney Wexey haysteen u hureen oo naftooda ka hormariyeen, Wuxuu ku tilmaamay dad eedo iyo xumaan uurka isugu haya oo loollamaya:

(Meydkii nebiga oo aan weli la aasin, ayaa Ansaartii Madiino – oo horay Muhaajirta eedo uga tirsanayey- waxay guriga ku caanbaxay magaca “Saqiifat Banii Saacida”, waxay ku qabteen shir ujeeddadiisu ahayd inay ku doortaan ninkii geli lahaa booskii nebiga, ee noqon lahaa madaxa muslimiinta) bogga 9..

Macnaha meesha siyaasad iyo kursi iyo adduunyo iyo qabyaalad ayaa eedaha la isugu hayey.. sida warkiisa hoose ku cad…
Wuxuu Yiri:

(Sidaasna Abuu Bakar wuxuu ku noqday kii ugu horreeyey afarta nin ee muslimiintu u bixiyeen magaca Al-khulafaa Ar-Raashidiin, oo afartuba ah Muhaajiriin iyo Qureesh) bogga 10aad..

Wuxuu Qoray:

(Yeelkadeede, loollanku halkaa kuma dhammaan, balse mar kale ayaa waxaa loollan ka dhex aloosmay muhaajiriinta dhexdooda, waxaana habboon inaan la illoobin mandiqa qabyaaladda ee yiraahda: ” Aniga iyo walaalkay waxaan la dirirnaa ina adeerkayo, aniga iyo ina adeerkayna waxaan la dirirnaa shisheeyaha” Bogga 10.

Subxaanallaahiye.. Cabdi Siciid, Waa kii inkirayey, Axaadiis Sugan, isagoo ku andacoodey iney khilaaftay Aayado Qur’aanka (Taasoo aan xaqiiqba ahayn), Muxuu sheekooyinka Taariikhda ee daciifka iyo been abuurka ah oo ay in badan Qoreen Shiico Asxaabta Neceb, iyo Khawaarij Asxaabta Laysay, u oran waayey Aayado Cad Cad ayey khilaafeysaa, oo Saxaabada ku Tilmaamay iney Run, iimaan, Naf iyo Maal u hurid diinta, Daacadnimo, Aakhiro Jacayl, Cibaado, u saaxiib yihiin..Muxuuse ugu Fasiray isagu iney qabyaalad tahay hadaladoodu? Xagee ayuu kasoo xigtay? Ma isagaa Niyadooda galay? Subxaanallaah.
La soco…. 5aad>>>>>
W/Q Sheekh Maxamed Idirs Axmed

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online