Mar Kale iyo Buugga loogu Magac Daray Xadka Riddada (5/4) W/Q Sh Maxamed Idirs

October 27, 2014 - Written by Editor

idirsMasalada 5aad: Gafka iyo Jaaifaynta Asxaabtii Radiyallaahu Canhum. Qaybtaan Waxaa Akhristuhu Arki Doonaa Sida Cabdi Siciid ugu gafey Khulafadii Raashidiinta ahaa gaar ahaan Cusmaan iyo Cali Radiyallaahu Canhum, iyo Ummul Mu’miniin Caa’isha Radiyallaahu Canhaa..

Cabdi Siciid Wuxuu Saxaabada iyo Khulafada u sawiray dad damac iyo loollan dhufaysya isugu jirey, oo dabka damacu hoostooda ka hurayey, Isagaana sidaa u fasiraya, dhacdooyin in badanoo ka mid ahi been abuur tahay, hadii wax ka ansaxaanna loo baahnaa in wanaag lagu fasiro.. Bal eeg isagu siduu u qoray:

(Run ahaantii, Cali si toos ah ugama hor imaan Abuu Bakar iyo khaliifkii ka danbeeyey ee Cumar bin Khaddaab, sidoo kale waa run in Ansaartu aqbaleen go’aankii odaygoodii Abuu Cubeyda, laakiin dhab ahaantii arrinka lama xallin, oo khilaafka lagama bogsan, balse wuxuu ahaa dhuxul hoos ka hulaaqaysa, oo mar uun danbaaburo qarxin doonta.) bogga 10.

Waa meelaha Xarriggu Kula go’ay Cabdi Siciid, Belaayaduna Ka Raacday, Waana Fasiraad isaga Jeebkiisa ah, sidaasna loogama hadli karo Saxaabada Radiyallaahu Canhum, Waayo Fasiraadda Cabdi Siciid, wexey meel kaga dheceysaa Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa ah ee Saxaabada sidaa si ka duwan ku tilmaantay..

Bal Wuxuu Ninkaasu Qoray eega:

((Gacan Ka hadalkii ugu horreeyey ee muslimiinta dhexdooda ka qarxay wuxuu ahaa kii ka dhashay kacdoonkii looga hor yihimid, markii danbana lagu diley khaliifkii 3aad ee Cusmaan bin Cafaan (RC). Waxaana la rumaysan yahay in loollankaasi uu ku salaysnaa dano siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo ay kala matalayeen kooxaha loollanku u dhexeeyey…)) Bogga 10aad..

Ilaahow adaan kaa magan galnay.. Khaliifadii 3aad ee dulmiga lagu diley, ee Isagoo gurigiisa ku jira, oo Qur’aan Akhrisanaya, oo Da’ ah, oo Janna Horay Loogu Bishaareeyey, koox sufaho iyo khawaarij isugu jirtaa soo weerartay, (Kooxdaas Inkaarta Qabtey Sida Taariikhdu Qortay Sannad Dabadii hal kama noolayn). Sidaas ayuu Cabdi Siciid u sawiray, Kooxo Siyaasad ku loollamaya.. Waa Sida ay Qoraan: Qorayaasha Mustashriqiinta reer Galbeedka iyo wixii fikirkooda cabbey..

Isagoo Hadalkaa sii wada wuxuu yiri Cabdi Siciid:

(Geeridii Cusmaan bin Cafaan (RC) waxay horseedday in la isku barxo qabyaalad, siyaasad iyo diin, waxayna daahfur u noqotay dhacdooyin taariikhda islaamka ku caanbaxay magaca “Al-Fitna al-kubraa ama fitnadii Cusmaan”) Bogga 10aad.

Faalladaas Qoraagu wexey u dheceysaa in Taariikhda Islaamku bilawgeediiba ay ahayd Taariikh loollan Qabyaalad iyo Dhiig oo Saxaabadu Siyaasad iyo Qabiil isu dagaaleen, waana sida ay ku hadaaqaan Kuwa Islaamka Neceb, iyo Firqooyinka lumay sida Shiicada iyo Khawaarijta, oo Isagu aad mooddo inuu Sunnada La simo, ama kaba sara mariyo..

Magacan uu sheegay ee “Fitna Kubraa” wuxuu ka keenay kitaabka Qoraagii Misriga Ahaa Daaha Xuseen, oo uu Afkaarta kasoo Turjumey, Ninkaas ayaa qoray Kitaab waxaan oo kale ka buuxaan oo uu u bixiyey (Al Fitna Al Kubraa) (Cali Wa Awlaaduhu) (Cali iyo Wiilashiisii)..

Cabdi Siciid oo Sawirka xun oo Saxaabada uu ka bixinayo sii wada wuxuu Qoray:

(Waxayna dhaliyeen in khilaafkii siyaasadeed loo yeelo waji diineed, koox walibana waxay bilowday inay raadsato aayado iyo axaadiis ay mowqifkeeda ku difaacdo, sidaasna waxaa ku abuurmay xisbiyo siyaasadeed oo kala matala dano kala duwan, isla markaana mid kastaba ay sheeganayso inay iyadu tahay tan metasha diinta saxda ah. Xisbiyadaas kuwii ugu horreeyeyna waxay ahaayeen xisbiyada Khawaarijta, Shiicada, Sunnada, ….iwm)) Bogga 10-11aad..

Macnuhu waxa weeye: meeshan Islaamka wax is dhaama ma jiraan, Sunno, Shiico, Khawaarij, Waa Wada xisbiyo Siyaasadeed, Diinna shaqa kuma laha!! Waana wada siman yihiin!! Saxaabaduna Loollan bey ahayd wixii ka dhexeeyey ee diin kuma salaysnayn!!Xisbiyadaas Shiicada iyo Sunnada iyo Khawaarijtana iyagaa Asaasay..

Waana Jaa’ifo weyn oo Asxaabtii uu u geystey, Waayo Hal Saxaabi iyo Shiico ama Khawaarij ka dhex muuqdey lama sheegin Taariikhda oo dhan, Wexeyna ahaayeen Radiyallaahu Canhum, Kuwa Ku tagaan, Jidka Sunnada iyo Jamaacada, iyo Xaqqa iney u gargaaraan oo baadi goobaan, Mid Gafa iyo Mid Asiibaba Mujtahidiin Ajar Leh ayey Ahaayeen Raallinimada Ilaahayna u hor martay..

Bal Jaa’ifada taa kaweyn ee Diinta, iyo Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Iyo Asxaabta Ridwaanullaahi Calayhim, Loo geeystaa Mexey tahay?

Waxaa Ka daran, Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam Wuxuu Xaasaskiisa ugu Jeclaa Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, Waana Xaaskiisii Adduunka iyo Aakhiraba, Laakiin Cabdi Siciid wuxuu u Sawiray, Sida Shiicada, iyo Qorayaasha Reer Galbeedka ee Bariga wax ka qora, Iney ahayd mid Mu’aamaraad Maleegeysa, Nacuudu Billaahi:

(Afadii nebiga ee Caa’isho binti Abuu Bakar oo markii hore ka mid ahayd dadkii Cusmaan bin Cafaan mucaaradka ku ahaa, ayaa waxaa laga wariyaa inay mar ay dadka ku diraysey Cusmaan ay tiri: ” Dila Nactal wuu gaaloobaye”, iyada oo Cusmaan ugu yeeraysa magaca Nactal. Erayga Nactalna dhawr macne ayaa lagu fasiray, waxaase loo badinayaa in Nactal ahaa magac loogu yeeri jirey nin Qibdi [Kirishtaan] ahaa, oo gar weyn lahaa oo ku noolaa magaalada madiino) Xadka : Bogga 10 – (Tixraaca).

Waxaa Hadaba is weydiin Mudan: Cabdi Siciid, Ma wuxuu Saxaabada Ka aaminsanyahay waxa shiicadu ka aaminsantahay oo ah: Iney Badankoodu Riddoobeen, Caa’ishana Radiyallaahu Canha ayba shardi u tahay Shahaadada in Naar Lagu Xukumo, (Ilaahay Wixii Asxaabta Nebiga Neceb Ha Hoojiyee)?

Qisada uu Hadalkiisan Ku Saleeyey Cabdi Siciid, Caai’sha Radiyallaahu Canhaa iney Cusmaan Radiyallaahu Canhu, Cayday oo gaalaysiisay, Waa Qiso been abuur ah oo ay Shiicada kuwa ugu xumaa, iyo Yuhuudigii Fitnada kiciyey ee Ibnu Saba’ ay falkiyeen..

Qisada Cabdi Siciid Cuskaday inuu ku muujiyo Saxaabada in Cadaawadi Ka Dhexeysey, (Wal Ciyaadu Billaah) ma uusan sheegin meesha uu ka soo xigtey, hayeeshee haddeynu sheegno, Qisada Asalkeeda waxaa lagu xusay: Kitaabka Shiicada, ee (Sharaxa Nahjul Balaaqa ee Ibna Abilxadiid) bogga: 17, 20, 22.. Ninka Qorayna waa Shiici, Muctazili ah..Meela kalena tixraaca ayuu ku sheegay inuu wax kasoo qaatay, Waana Buug shiico oo Saxaabada lagu Jaa’ifeeyo, isagna xukun ayuu ku dul dhistay!!

Hadalkaasna waxaa weriyey nin la yiraahdo Saif Bin Cumar Addabbi oo xadiiskiisa aan la qaadan, layskuna raacay inuu Xadiiska Allifo, Beenlow yahay, Xadiiskiisa laga tegey, Imaam Abi Da’ud uu yiri: Waxba Maaha..

Muxuuse uga tegey Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa, intuu Cayda Shiicada soo urursanayo,: Caa’isha Radiyallaahu Canhaa Waatan Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam Ka werisey Fadliga Cusmaan Axaadiis Sheegeysa, oo uu ka mid yahay Xadiiska Saxiix Muslim ku Yaal, inuu Cusmaan ka yiri ((Miyaanan Ka Xishoonayn Nin Malaa’iigtu Ka Xishooto)) Saxiix Muslim 2401..

Taasu Ma deeqi Weydey Cabdi Siciid? Muxuuse Xadiiska Saxiixa ah ugu Xambaari waayey Xukunkiisa, Haduu Runta doonayo, Saxaabadana Qaddarin u hayo?

Saxaabadase Sidaas miyaa looga hadli karaa hadiiba la damco in laga hadlo wixii dhex maray? Muxuu Qur’aanku Ka yiri Saxaabada inta aadan wax ka sheegin, ama loollan adduunyo ku xukumin?

Ninka waxaa ka qoray Saxaabada Radiyallaahu Canhum: Muxuu yahay Afka ku yaal oo uu ku hadlayaa? Dadka Difaacayaase Miyaaney Ilaahay ka biqihayn, oo Aakhiro iney ka dambeyso ogayn? Halkan ka Akhriso qeybtii 4aad

La Soco qaybta…. 6aad…

W/Q Sheekh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online