Markabka sida qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo kusoo xirtay Dekeda Bosaso[Masawiro]

October 15, 2014 - Written by Editor

481Boosaaso:-Markabka sida qalabka lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu maanta ku xirtay  Dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari. Waxaa sidoo kale gaaray Dekeda magaalada Bosaso masuuliinta Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso,isimo ,siyaasiyiin iyo Injineerada shirkadda dhisaysa Garoonka Diyaaradaha  Bandarqaasim CCECC .

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay  in bilaha soo socda ay Puntland yeelan doonto Garoon Caalami ah oo ka soo degaan diyaaradaha caalamiga ah .

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso uu qeyb ka yahay balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’

Waxaa sidoo kale gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada ee Puntland .

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Galan  iyo Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabadala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalabka dhismaha ee Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim  ee maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online