Maxaad kala socotaa xaalada Badda Soomaaliya Oo xiligan ay ku wajahan yihin khatara Muuqda iyo kuwa Qarsoonba. Q-2aad

October 24, 2014 - Written by Editor

Hassan-DhhoyeWaraysigan ayaa ka hadlaya dhowr arrimood oo muhiim ah, Madaxwayne Xassan Sheekh oo soo cusboonaysiiyey murankii badda una sheegaya wadammada dirksa la ah Soomaaliya dhanka xeebta, inuu wada xaajood kala galayo arigtidooda ku aadan, xadaynta badda. Sidaad lasocotaan waa arintii MOU Is-fahamkii horay loo diiday, hadaladii ku xusnaa.

Warqad uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad sidan: “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.

Iyo isagoo caalamka ogaysiinaya in Soomaaliya ka tanaasushay sharcigii baddaha iyo dakaddaha ee Soomaaliyea, Sharciga 37-aad ee soo baxay 1972 aduunkuna Soomaaliya u yaqaano kulana dhaqmo sharcigaas. Sharciga baddaha ee 37 wuxuu Soomaaliya siinayaa lahaansho dhulbaddeed gaaraya 200 oo mile (200nm Territorial Sea-TS)

Madaxwaynuhu hada xogta uu gud biyey wuxuu lahaanshahaas kusoo koobayaa 12 mayl-baddeed. (12-nm Territorial Sea-TS) Taasoo hadii ay hirgasho tirtiraysa law no.37. Su’aasha is waydiinta leh waxay tahay, maxaa ka sababaya in xuquuq intaas leeg si sahlan looga tanaasulo? Qaybaha soo socda ayaan wax badan ku cadayn doonaa iyo cida ka faa’iidaysa dhinaca wax us socdaan.

Qoraalkaan loo diray QM wuxuu badda Soomaaliya qaybta TERRITORIAL WATER ku soo koobayaa 12 mayl-badeed, sidaasna meesha laga saarayaa Law no. 37 oo dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Sea/Water uu yahay 200 mayl-badeed. (Halkan ka eeg faraqa u dhaxeeya 200nm oo EEZ iyo 200nm oo Territorial Water)

Waraysiga labaad oo faah faahsan hoos ka dhagayso, lana soco Qaybta 3-aad
Halkaan ka dhagayso waraysiga Radiodanan la yeelatay Xasan Dhooye

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online