Maxay kala yihiin Shirarka is feersocda ee ka socda magaalada London.[Masawiro]

October 21, 2014 - Written by Editor

hhLondon:-Waxaa magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska ka soco ilaa labo shir oo ay ka kala qayb galayaan Madax Soomaaliyeed oo kala metalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ,waxaan labadaan shir ay ka dhacayaan magaalada London waxaan looga hadlayaa:-

1. Maalgashiga Afrika

2. Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya , Gaska iyo Oil ku jira Soomaaliya

Shirka maalgashiga Global African Investment Summit ayaa wuxuu ka dhacayaa Hoteelka la yiraahdo Savoy Hotel ee magaalada London waxaan ka qayb galay wafdi uu hogaamiyo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirkiisa beeraha.

Shirka maalgashiga ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynayaal ka socda dalalka afrika gaar ahaan madaxweynaha dalka Rwand H. E. Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Ghana H. E. John Dramani Mahama, madaxweynaha dalka Uganda H. E. Yoweri Kaguta Museveni, Ra’iisul wasaaraha dalka Tanzania Hon. Mizengo Pinda.

Shirka ayaa waxaa abaabulay shirkad la magac baxday Soma Oil & Gaas oo ah shirkad heshiis yo la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya, Shirkada ayaa waxaa shir ku qabtay magaalada London shirkaas oo ay ugu magacdartay Maalgashiga Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya.

Shirka maalgashiga Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya  ayaa ahaan shir feersocda Shirwey naha caalamiga ah ee Maalgashiga Afrika (Global African Investment Summit 2014) oo isna shalay ka bilowday caasimada UK.

Shirkada Soma Oil & Gaas ayaa shirkeeda uu ahaa mid soconaya hal maalin waxaan uu ka dhacay Hotelka Jumeirah Carlton Hotel ee ku yaal London, iyadoo lagu galayey lacag gaaraysa ilaa  £1,260.00  walow marki danbe laga dhigay in lacag la’aan lagu soo galo

Shirka maalgashiga Afrika ayaa waxaa hadalo ka jeedinaya siyaasiyiin iyo madax caan ah oo ay ka mid yihiin Dr. Jendayi E. Frazer, Rt. Hon. William Hague. Halkaan ka eeg shirka maalgashiga ee ka socda magaalada London

no images were found

Shirka labaad oo looga hadlayo arrimaha kheyraadka dabiiciga [Somalia oil and Gas ] ayaa waxaa uu ka dhacayaa Hoteelka la yiraahdo Jumeirah Carlton Hotel ee magaalada London.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheed ayaa ku jahwareeray wararka kale duwan ee ka imaanaya labada shir ee ka dhacay magaalada London waxaan arrinkaas ugu wacan siyaasiyiinta ka qayb galay shirarka ka socoda London oo tartan ugu jira in qolo walba ay ka soo muuqdaan shirarka socda ee ay ka soo qayb galayaan shirkado waaweyn oo daneeyey dhinac maalgashiga Afria gaar ahaan , Gaska iyo Oilka.

Shirka looga hadlayo kheytraadka dabiiciga ah ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka DFS Daa’uud Maxamed Omar waan shirkii labaad oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada London iyadoo horay ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis ula gashay shirkado Shidaal oo laga leeyahay dalka Ingriisa. Halkaan ka eeg Shirka looga hadlayo Batroola iyo Khayraadka Somalia Oil Gas

Hoos Ka daawo qayb ka mid ah shirkii Maalgashiga afriga ee saaka ka furmay London

A.Osman
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online