Maxkamada ciidamada DFS oo xukun dil ah ku fulisay labo eedeysane.

October 26, 2014 - Written by Editor

gacan_kudhiigleMuqdisho:-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay gacan ku dhiigalayaal la sheegay in ay dileen alaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Timo Cadde.

labada qof ee saaka ay toogatay Maxakamada ciidanka DFS ayaa waxaa ay kala yihiin Cali Bashiir Cusmaan oo da’diisa lagu sheegay 22 jir  waxaana ay ciidanka amaanka ka soo qabteen Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo C/llaahi Shariif Cusmaan oo isagana laga soo qabtay  degmada Dharkiinleey

Gacanku dhiiglayaashaan  ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskuul Boolisiya ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas ku sugnaa wariyaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS .

Bahada Warbaahinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey in cadaalada la mariyo kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab ee boqolaal ku qof ku dilay magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online