Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun kala duwan riday (Masawiro)

October 13, 2014 - Written by Editor

DSC06445-740x555Boosaaso:-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta waxay xukun kala duwan ku riday  Lix qof oo lagu eedeeyey in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin dadka la horkeenay maxkamada ayaa waxaa ku jirtay qof haween ah.

Liiska Magacyada maanta la horkeenay Maxkamada ayaa waxaa kala yihiin
1-Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale.
2-Daa’uud Aadan Ibraahim.
3-Faarax Axmed Maxamed.
4-Salmo Cali Maxamed.
5-Cabdiweli Cabdullaahi.
6-Saacad Aadan Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag ,Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa markii la dhageystay eedeymaha loo soo jeediyey lixda qof ee maxkamada la keenay wuxuu ku dhawaaqay xukun kala duwan  waxaana ay maxmanadu dil toogasho ah ku xukunta Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale oo 24 04 2014 ay qabteen ciidanka amniga ka dib markii ay fashilantay miino uu dhigayey  oo faraha go,ysay.

Waxaa kale oo ay maxkamada ay 5 sano oo xarig ah ku xukuntay Daa’uud Aadan Ibraahim oo laga soo qabtay deegaanka Sugure ee Galgal.

no images were found


Maxkamada ciidanka Puntland ayaa waxaa kale oo ay danbi ku weyday oo ay sii deysay

1-Faarax Axmed Maxamed.
2-Salmo Cali Maxamed.
2- Cabdiweli Cabdullaahi

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag ,Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan  ayaa sheegay in dib loo dhigay maxkamada eedeysane  Saacid Aadan Cabdullaahi .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online