Meydka Taliyihii ciidanka Booliska ee DFS oo Nairobi loo qaaday

October 31, 2014 - Written by Editor

images-14Muqdisho:-Alle ha u naxariistee waxaa dhawaan loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya meydkii Taliyihii Ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sh.Xassan ismaaciil oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Taliyihii Ciidamada Booliska DFS Gen.Maxamed Sheikh Xasan Ismail ayaa meydkiisa waxaa lagu samayn doonaa baaritaan dhinac caafimaada ah a dib shaki soo baxay oo ah in Taliyaha la sumeeyey.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Dowlaadda Federaalka Somaaliya ayaa horay u si raacay meydka Taliyihii Ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan ee saaka loo duuliyey magaalada Nairobi.

Geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Gen.Maxamed Sheekh.Xassan Ismail ayaa ku soo beegantay xili khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh Axmed iyo weliba Hay’addaha Garsoorka.
Gudiga oo shan xubnood ka kooban  ee loo xilsaaray in ay soo baaraan geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Gen.Maxamed Sheekh.Xassan Ismail.
1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2- Wasiirka Caafimaadka  Cali Maxamed Maxamuud (Xubin).
3- Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin).
4-Wasiirka Beeraha Axmed Cabdi Baafo (Xubin).
5-Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg (Xubin).

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online