Mu’asasada Al-Minhaaj oo dowro tababar ah u furtay Dumarka Macalimiinta ah ee Boosaaso.[Masawiro]

October 16, 2014 - Written by Editor

1Boosaaso:-Waxa maantay ka bilowday markazka way nee Al-Rowda ee magaalada boosaaso, dowro lagu tababarayay dumarka ducaada ah ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada ee magaalada boosaaso, siada dugsiyada quraanka , iskuulada iyo macaahida. Dowradan maantay ka bilaabatay magaalada boosaaso , gaar ahaan Markazka Al-Rowda ayaa waxa isku soo duba riday Mu’asasda Al-Minhaaj ee Dacwada Iyo Horimarinta Qaybta gobolka bari, iyadoo ula jeedadka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa tayada macalimiinta ka shaqeeya goobaha waxbarshada, gaar ahaan macalimiinta dumarka ah oo aan helin tababaro noocaas oo kala ah.

Ugu horayn waxa daah furay dawrdan tababarka ah Sh Cusmaan Maxamuud Xaaji Dirir oo ah xubin ka mid ah madaxda Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland, isagoo aaad ugu dheeraaday baahida loo qabo in tababaro noocan oo kale ah la siiyo dumarka, sidoo kalana mahad naq balaaran usoo jeediyay madaxda mu’asasada Al-Minhaaj gobolka bari ee soo qaban qaabiyay dowradaan, isagoo talana kusoo jeediyay in la badiyo tababarada noocan oo kale ah si ay tayo u yeeshaan macalimiinta.

Ustaad Siciid Maxamed Diiriye oo ah madaxa waxbarashada iyo dacwada ee Mu’asasada al-minhaaj Qaybta gobolka bari oo Isna madasha ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay dowradaan iyo ula jeedada ay mu’asasada ka leedahay, isagoo sheegay in ay tahay sidii loo heli lahaa macalin u tababaran shaqada waxbarshada si loo gaaro guul dhinaca wax barashada ah.

Ustaad siciid oo hadalka sii wata ayaa sheegay in doowradan ay socon doonto mudo laba isbuuc ah, iyadoo bixi doonta maalmaha khamiista iyo Jimcada.
Intaa ka dib waxa furmay dowradii, iyadoo maantay la qaatay labadii cashir ee ugu horaysay dowradaan, oo kala ahaa:-

– Habka casharka loo diyaariyo.

– Habka uu macalinku fasalka umaamulo.

Labadaan darsi ayaa waxa bixiyay Ustaad Xuseen Macalin oo ah khabiir dhinaca waxbashada , kuna soo jiray waxbarista mudo aad u dheer. Si kastaba ha ahaatee dowradaan maantay ka bilaabatay Markazka Al-Rowda ayaa waxa la filayaa inay wax badan ka tari doonto baahida loo qabo in lahelo macalin u tababaran shaqada waxbarasha ee uu ka shaqaynaayo.

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj
Bosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online