Mu’asasada Al-raxmah oo shidaal u qaybisay matoorada ku yaala deegaanada abaaruhu saameeyeen ee gobolka Gedo.[Masawiro]

October 6, 2014 - Written by Editor

C3Gedo:-Sidda la wada ogyahayba waxaa ka taagan gobolka Gedo abaaro faro ba,an ku hayo dad iyo duunyaba, abaartu marka ay dhacdo saamaynta oogu horeeyo oo,ay keento waa oon iyo biyo la,aan hadii biyo lawaayo ama ay yaraadaan waqtiguna dheeraado waxay keeni kartaa dhimsho, iyo cuduro halis ah oo dilaaco.

Abaartu marka aydhacdo waxaa yaraado biyaha guud,ahaan gaar,ahaana waxaa yaraago amaba meesha kaboxo qaarkamid,ah goobaha biyaha laga heli jiray sida waraha, ceelgacmeedka, iyo baliyaha ay biyaha galaan.

Waxa kaliya ee soo haro waa ceelasha matoorada loo isticmaalo ee biyaha ka keeno dhulka hoostiisa, kuwaa laftoodana way yaraadaan biyahooda maxaa yeelay waxaa fuulayo culays aad ufara badan, waxaa kaloo sare ukaco tirada ama cadadka shidaal ee matoorada u baahan yihiin maxaa yeelay matoorada qaar ayaa shaqeeyo 24-ka saac, Waxaa kaloo bato ciladda matoorka maadaamaa ay shaqadiisu badatay.

Mu,asasada Alraxma kadib markii ay daristay xaaladaas waxay go,aansatay in ay dabarto qarashka ku baxayo soo saarista biyaha sida: shidaalka, olyada, Mushaarka shaqaalaha matoorka ka shaqaynayo waxaana culaysbadan uu ka dagayaa qarashkii ay bixin jireen dadka abaaraysan iyo xoolahooda..

Ilaa iyo hada goobaha arinkaas loo sameeyey waxay gaarayaan ilaa todobo goobood oo kala,ah: Garbahaareey, Ceelcadde, Tuulobarwaaqo, Ceelguduud, Likooleey, Dhamaso iyo Kdiijo xaaji taasina waxay ka dhigan tahay in miyi iyo magaalaba biyaha lagu cabo lacag la,aan waa meelaha dhaw ee ay usoo aroori karaan xoolaha iyo dadka.

Deeqda lacageed ee dhaqaalaha matoorada lagu bixiyay ayaa ka timid jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka diba, gaar ahaan wadamada Swedan, Sauth Africa, Finland iyo UK.

Waxaa kale oo jiro meelo aad uga durugsan goobaha ay ceelasha ku yaalaan oo,ay ku adag tahay in ay dadka iyo xoolahaba soo gaaraan, waxaa kaloo jiro goobo udhow ceelasha biyaha laga cabo balse ay ku adag tahay in xooluhu gaaraan abaarta daran ee hayse awgeed, taasina waxay ubaahan tahay in qorshihii biyo dhaaminta,ahaa loosii wado waxaana umada muslimiinta,ah oogu baaqaynaa in gurmad dheeraada ookan hada jiro ka balaaran loo fidiyo walaalaha dhibaataysan ilaahayna loo baryo in uu Roob degdeg,ah siiyo.

Waxaana baaq udiraynaa umadda soomaaliyeed iyo hay,adaha gargaarka inay ka qaybqaataan gurmadka abaarta ka taagan Gobolka Gedo waxaana loo baahan yahay shidaal dheeri,ah sidoo kale maadaamaa matoorada deegaanka in mudo,ah shaqaynayeen hadana ay hayaan shaqo dheeraad,ah waxaa loobaahan yahay in matooro loo helo ilaa 10 ceel oo ay abaaro ka jiraan deegaamada ay ku yaalaan.

no images were found

Wixii faah faahin,ah la xiriir
Mu’asasada Alraxma
Sh. Cabdinuur faarax cali.
Tel: +25261-6718444.
E-mail: nur.alli99@gmail.com.

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online