Mu’asasada SAFAA oo qabatay kulan dacwadeed munaasabadda Ciidul Adhxaaga[Masawiro]

October 8, 2014 - Written by Editor

DSC09959Muqdisho:-Talaado 13/12/1435H Mu’asasada SAFAA ayaa ku qabatay xarunteeda magaalada Muqdisho kulan loogu talo galay munaasabadda Ciidda, kulankaan waxaa ka soo qeyb galay culumaa’udiin, bareyaasha jaamacadaha , macalimiinta , dhalin yarada, waxaana looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha dacwada loona horumarin lahaa.

Ugu horeyn waxaa kalimad wacyigelin ah ka jeediyay Sh.C/laahi Sh Nuur oo ka sheekeey marxaladihii ay soo martay dacwada & juhdigii lagu bxixiyay , wuxuuna kula dardaarmay xuduurka kulanka in ay waqti & maalba geliyaan dacwada, & ka hortagga fasaadka & munkaraatka, ka dib waxaa kalimad ka jeediyay Sh Maxamed Nuur Cabdi Cismaan oo ah ku simaha guddomiyaha mu’asasada SAFAA oo ka hadlay waxqabadka dacwadeed ee mu’asasada labadii sano ee ugu dambeysay, ka dibna waxaa kalimad gaaban koo jeediyay madaxa mu’asasada ee gobolka Banaadir , Sh. Aweys Maxamed Sheekh oo kula dardaarmay ka soo qeyb galayaasha in ay sii xoojiyaan howlaha dacwadeed ee mu’asasada , intaa ka dib waxaa darsi aad u qiimo badan oo ku saabsan:

(البصيرة في الدعوة إلى الله  ) halkaa ka soo jeediyay Sh.Bashiir Axmed Salaad, sheekha ayaa darsigaan ku iftiimay qodobo dhowr ah oo qofka daaciga ah u noqon kara sahay iyo tusaale, ka dibna ka qeyb galaasha ayaa loo qeybiyay majmuucaad waxayna ka doodeen sida loo horumarinka howlaha dacwadeed ee ku wajahan qeybaha bulshada , waxayna soo saareen talooyin muhiim ah oo arintaas la xiriirta. Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay si wanaagsan.

no images were found

Mu’ssadda SAFAA
Muqdisho,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online