Mu’assada Al-minhaaj iyo Jumciyada Shaaariqa Al kahayriya oo 1060 Qof uqaybshay lacag Sako ah.[Masawiro]

October 17, 2014 - Written by Editor

DSC01971Garoowe:-Dadkaan Danyarta iyo Fuqurada Isugu jirta oo laga soo aruuriyey Xaafaddaha iyo Goobaha Barakacayaasha ku yaala magaalada Garoowe oo ay tiradoodu gaarayso 1060 Qof ayaa waxaa maanta loo qaybiyay Deeq Sakawaaad ah oo gaaraysa $2650 kun oo doolar oo ka timid Jimciyada Shaariqa Al-Qayriya ee laga leeyahay Dalka Qadar.

Deeqdaan waxaa iska kaashaday Dr.Cabdi Casiis oo ku magac dheer Dr Cartan oo ah isugu  shaqsigii isku xiray haydaan iyo  siddii ay dhulka Puntland uga qaybin lahayd deeqdaan sakada ah waxaana Dr.Cartan isku xiray Maamulka Mu’asasada Al-minhaaj iyo Haydaan Khayriga ah waxaana Mu’asasadu Cayaartay Dowrkii ugu wanaagsanaa ee ay ku qaabilahayd Waftigaan oo 3 bari ka hor kasoo dagay bosaso waxaana soo dhaweeyay islamarkaana lasocday ilaa ay ka imanayeen Garoowe.

Gudoomiyaha guud ee Mu’asasasda Alminhaaj Sh Maxamed  Cabdullahi Cabdalle waxaana shalay galab lagu soo dhaweeyay Casimadda Puntland Waxaana saakay laguda galay Qaybinta zakadaaan ay ku taburacday Hayadaan Khayrigaa Ee Shaariqa Al Khayriya Ee Laga leeyahay Dalka Emaratka Carabta .

Qaybinta deeqdaan sakada ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro katirsan Dowlada  Maamulka Gobolka kan degmada Iyo qaybaha Culimada  Muasasada alminhaaj waxaana Qof walba oo ka mid ah dadkaan masaakiin taa la siiyay Lacag Dhan $250.

Maxamed Cabdulaahi Cabdule oo ah Madaxa Muasasada Alminhaaj Puntland ayaa sheegay muhiimada ay u yimaad een Jimciyada shaariqa Al KHayriya in ay tahy dhiiiri galinta Iyo wax tarka dadka Tabaalaysan Mu’asasada Al- minhaajna Ay utaagan tahay in ay udoonto bulashadeeda waxwalba oo ay wax ka dheefayaan aakhiro iyo aduunba .

Sayid Maxamed Xamdaan Oo ahaa gudoomiyaha hayadaan waday deeqdaan ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay puntland waxaana sokhaasa ugu mahad celiyay Mu’asasada alminhaaj waxaana uu balan qaaday in ay siiwadi doonaan wada shaqaynta  maanaty u bilaabatay Minhaaj Iyo Shaariqa Al Khayriya .

Sidoo kale Digtoor C/casiis Cartan ayaa ugu baaqay dadka loo qaybinayayay Deeqdaan sakada ah In ay ku samaystaan Ganacsiyo Kaladuwan Si ay faaiido uga dhaxlaan.

Wasiirka wasaarada Haweenka dowladda Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin Ayaa ugu baaqday Masuuliyiintii ka soo qaybgashay kulanka in haweenka loo sameeyo Xarumo ay wax kubartaan Dumarkuna aysan ahayn kuwa la dulmiyo ee ay yihiin kuwa madax ay waana aragtaan dadkaan %99 waa dumar waxayna kutusinaysaa sida dumarka loo garabtaagan yahay waxayna dumarka ugu baaqday in diintooda kudhaqmaan islamarkaana laysku xirnaado
Ismaaciil Maxamed Warsame.

Wasiiirka Wasaarada Cadaalada  dowladda Puntland Ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay inay Puntland yimaadaan masuuliyiin ka socda Jimciyada Shaariqa Al Qayriya ee laga Leeyahay Dalka EMARATKA Carabta wuxuuna sheegay in ay dhankooda dowlad ahaan soo dhaweynayaan .

no images were found

Mussasat Al-minhaaj
Nuur Jaamac

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online