Musasat Al-Bayaan oo siminaar ugu qabatay arday Johannesberg.(Masawiro)

October 13, 2014 - Written by Editor

BJohannesberg:-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Johannesburg gaar ahaan hoolka shirarka cusub ee hotel nuura siminaar socday 1 maalin, siminaarkan oo loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee soomaalida ah ee ku sugan koofur afrika,

Siminaarkan oo lagu soo aadiyay xili ay ardayda fasax ku jiraan ayaa waxaa soo jeedinaayay macalimiin aqoonyahan ah oo soomaali ah, waxaana uu ahaa cinwaanka siminaarka (DOONTA BADBAADADA).

Siminaarkan oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga dacwada al-bayaan ee Gauteng oo kaashanaayay ururka ardayda ee al-bayaan.

Waxaa siminaarka ku furay aayado qur,aan ah arday ka mid ah ardayda siminaarka, ka dibna siminaarka waxaa furay sheekh maxamed aadan abdille oo ah madaxa dacwada al-bayaan gobolka Gauteng, waxaa uu soo qaaday sheekh maxamed muhimada ay leedahay siminaarka noocan oo kale ah waxaana uu u balanqaaday in siminaaradan la joogteen doono hadii allah yiraahdo mar kaste oo la fasaxo iskuulada wadankan.

Waxaa darsiga ugu horeeyay soo jeediyay sheekh maxamuud abdullahi cagadhigato waxaana uu ka hadlay akhlaaqda wanaagsan waxaana uu tusaale u soo qaatay nabi muxamed (scw) akhlaaqdiisii iyo asxaabtii iyo culimadii hore, asagoo si fiican u soo bandhigay darsigiisii.

Waxaa darsiga labaad soo jeediyay ustaad jaamac bashiir oo ka hadlaayay dhaqanka suuban ee soomaalida iyo midnimada ardayda ayadoo uu soo bandhigay tusaalayaal fara badan oo uu ku bidhaaminaayay mowduuciisa.

Darsiga sedexaad oo cinwaankiisa ahaa muhiimada waxbarashada ayaa waxaa soo jeediyay sheekh axmed abdi (axmed dheere) asagoo ku soo bandhigay darsigiisa filim muujinaayay waxbarshada soomaaliya iyo fursada ay haystaan ardayda soomaalida ee joogta koofur afrika, waxaa intii uu socday siminaarka la soo dhexdhigayay ardayda dood oo ay ka doodaayeen ayagoo kox koox ah arimo muhim ah oo quseeyay waxbarashada iyo akhlaaqda wanaagsan iyo midnimada ardayda.

Ugu danbaystii waxaa lagu soo gabagabeeyay siminaarka dood furan iyo su,aalo ardayda la waydiinayay oo ku saabsanaa siminaarka iyo sida uu u saameeyay ardayda, ayadoo ay su,aalo waydiinaayeen macalimiinta soo jeedinaysay siminaarka.

Simnaarkan oo furmay saakay 09kii iyo afartan AM ayaa waxaa uu soo xirmay 5tii iyo afartan PM ayadoo quraac iyo qadaba lagu diyaariyay hoolka uu ka socday siminaarka, ayadoo ardayda qaar oo si wayn uga dhex muuqday ardayda kale la gudoonsiiyay abaalmarino qimo badan oo ay ku farxeen.

no images were found

Siminaarkan oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa oo loo qabto ardayda soomaalida ee dhigata iskuulada sare ayaa waxaa ka soo qayb-galay arday dhan 45 oo isugu jiray gabdho iyo wiilal, waxaa barnaamijka siminaarkan ka ahaa xiriiriye macalim maxamed basbaas oo ah ku simaha maamulaha madarasada al-bayaan Johannesburg.

Waxaa diyaariyey Madaxada Maxamed Aden Abdille
Madaxa Dacwada Musasat Al-Bayaan ee gobalka Gauteng
Johannesberg.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online