Marin habaabinta kooxda Takfiir oo laga digay شبهات منهج أرباب التكفير المعاصر والرد عليها Sh.Dr.Bashiir Axmed [Dhagayso]

October 29, 2014 - Written by Editor

shbashiirGaroowe:-Muxaadaradaan ayaa ah muxaadaro uu Sh Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Nadwo cilmiyeed diini ah oo lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe,  Shiikhu wuxuu uu ugu magacdaray Shubuhaadka khawaarijta casriga ah iyo sidda loo radiyey شبهات منهج أرباب التكفير المعاصر والرد عليها  Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa Muxaadarada ku bilaabay hordhac muhiim ah kaas oo si fiican u tilmaamay in ay waajib tahay Muhimad dheeraad ahna  leedahay Difaacidda diinta  Islaamka, cidda kowaad oo mas’uuliyadaa ALLE saarayna ay tahy  Nabiyada ka dibna waxaa xilkaas dhaxlay Culimada diinta.

Haddaba  su’aashu waxay tahay waa Tuma cidda laga waardiyeynayo diinta, waxa uu shiikhuna ku sheegay in ay yihiin laba qolo oo kal a ah:-

1.Gaalada bannaanka ka’ah diinta .

2. Kooxaha marinihabowsan ee ka tirsan muslimiinta sida khawaarijta iyo wixii la mid ah.

Waxa uu shiikhu tilmaamay in ka hadalka qolyaha kooxaha marin habowsan aysan ahayn dagaal lagala hortagayo balse ay tahay Naseexo iyo waano looga jeedo Sixitaan. Hordhaca kooban ka dib ayaa shiikhu waxa uu soo bandhigay shubuhaad farabadan oo qolyaha Takfiirku kufuraan bulshada si ay ugu qanciyaan dadka manhajkooda qaldan , shubuhaadkaa ayaa waxaa kamid ah :-

1. Sh.Bashiir Axmed Salaad waxa uu sheegay in ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed aysan islaamin balse ay yihiin gaalo waligoodba haku dhawaaqaan tawxiidka’e ,ayagoo taa u daliishanaya in gaalada ahlu-kibaaka ahiba ay ku dhawaaqayeen Tawxiidka taasina aysan Muslimiin ka dhigin.

2. Shubhada kale oo ay dadka ku khaldaan ayaa waxay tahay: in ay yiraahdeen dadku ma islaamin maxaa yeelay ma aysan fahmin macnaha Tawxiidka .

3. Shuhada Saddexaad: Qofku muslim noqon maayo ilaa uu gaaro heerka ugu yar ee lagu islaami karo taasna uma yaqaanaan Towxiidka .

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Bashiir Axmed Salaad  شبهات منهج أرباب التكفير المعاصر والرد عليها 

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/3ayodpg7g4/muxaadaradii_3aad_sh_bashiir_axmed_salaad_sababaha_gaalaysiinta.mp3]

ama Halkaan ka dhagayso

Masjidka Al-hudaa
Garoowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online