Odayaasha dhaqanka ee Adhicadeeye oo macsuumay Arday Jaamacadda Nugaal University.[Masawiro]

October 18, 2014 - Written by Editor

IMG_2229 [Max Width 1024 Max Height 768]Laascaanood:-Waxgaradka iyo Jaaliyada ka soo Jeeda Tuulada Adhiaceede ee Gobolka Sool  ayaa Macsuumad Ballaadhan u qabtey Maanta Ardydii Ka qalin Jebisey Jaamacadda Nugaal ee Gobolka Sool. nMacsuumaddan oo ay u fidiyeen Odayaasha dhaqanka ayaa ah tii Labaad mudo 2 Sano Gudahood iyagoo ay si wada Jir ah uga soo qayb galeen Maamulka Jaamacadda  Macalimiinta, iyo Shaqaalaha Jaamacadda iyo Waliba Qurbo Joogta Gobolka Sool ayaa Loogu Qado kariyey Dooaxadda Caanka ah ee Koonfur Galbeed kaga Beegan Tuulada Adhi cadeeye .

Odayaasha Dhaqanka ah ee ku Dhaqan Tuuladaa ayaa Saxaafadda u Faah faahiyey Sababta ay ugu Fidiyeen Macsuumadaan Ballaadhan  iyagoo Sheegey In Jaamacadda Nugaal ay Tahay Jaamacadooda , Sidoo Kale ay Wax ka Barteen , kana Bartaan , Da’yrtooda iyo Caruurtooda, Ardayda Qalin Jebiseyna ay Dhiiri Geliyaan , Si ay u Si Wataan Dedaalkooda Waxbarasho .

Sidoo Kale Waxaa ay Gudoonsiiyeen Laba Hadyadood oo Mid Tahay Boos Wayn oo Ay Jaamacaddu ka Dhisato Farac Kale , iyo Hadyad Kale oo Dhaqameed.
Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Jaamacadda Proff C/Naasir Maxamed Barre (Abu shaybe) ayaa ka Gudoomiyey Isagoo Sheegey In Jaamacaddu ay tahay Jaaamacaddoodii , Hadyadii dhulka ahayd iyo Tii Kalena ay ka Gudoomeen in ay Doonayaanna In jaamacaddu Ka Dhisato Farac kale oo ku Yaala Tuuladaa.

Dhinaca Kale Waxaa Ka Furmaya Maalinada Maanta ah Shirawayne Duco iyo Wadatashi u dhexeeya Beesha Reer Cilmi Shir ay Ugu Magac dareen MIDNIMO , Ujeedada Shirkuna Waxey ku Sheegeen inuu Yahay Mid ay Ku Tashaneyso Beeshu Wixii aayeheeda iyo Ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ,iyo In Bulshada Soomaaliyeed ay Bulshadu la Qaybsato Wanaaga iyo Nabadgelyada .

Sidoo Kale Waxwy Beesgu Ugu Baaqdey Bulshada Sharafta leh ee Soomaaliyeed in ay Ku Dhaqmaan Shareecada Islaamka , Dhaqankoodii Soomaalinimo , iyo In Ay Heshiyaan , oo ay Ka wada Shaqeeyaan Nabada iyo Aayohooda Muqtaqbaleed.

Geesta Kale Waxay Ardaydii Qalin Jebisey Qaar Ka Mida U Dalxiistageen Dooxyinka Cagaaran ee Casuura, iyo Siixowle iyagoo Halkaa ku Soo Qaatey Qaar Ka Mida Farxadii ay ku Cabirayeen Dareenkooda Farxadeed.

Jaamacadda Nugaal Waa Jaamad Ka Mida Jaamacadaha ugu Fir fircoon ee Gayiga Soomaaliya Iyadoo la Aass aasey 2004 tii soo saartey Shan Kulliyadoo Soo Saartey Shan  Kulliyadood oo Tii Ugu Danbeysey ay ahayd 138 arday . Sidoo Kale waxey ku Jirtaaa Shanta Jaamacad ee Ugu Tayaada Sarreeeya Jaamacaddaha Somalia , Sida ay Sheeegeen Baadhitaanada Ku Saabsan Qiimeynta Jamacadaha Gayiga Soomaaliya .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed
Lascanod,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online