Ololaha gurmadka Abaaraha Gedo oo si weyn uga socda Boosaaso.[Masawiro]

October 23, 2014 - Written by Editor

8Boosaaso:-Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ayaa ka bilowday magaalada Boosaaso gaar ahaan masjidka weyn ee Al- rowda,Olole gurmad loogu fidinayo dadka ku dhaqan deegannada Gedo ee ku waxyeel loobay abaaraha baahsan ee ka dhacay gobolka, iyadoo aysan halkaas muddo saddex sano ah kada’in wax roob ah.

Ugu horreyntii Sh.Cabdiraxman Maxamed Dhowre(Bukhaari) ayaa wuxuu jeedshay kalimad wacdi ah oo uu kaga hadlay fadliga ay leedahay in ilaahay dartiis wax loolabaxo, kuna booriyey bulshada inay kaalmeeyaan walaalahooda tabaalaysan ee ku wax yeelloobay abaaraha dabadadheer ee ku habsaday deegaannadas.

Guddoomiyekuxigeenka Al-minhaaj Ciise Siciid Maxamed oo intaa kadib hadalka qaatay ayaa isaga iyo nabaddoon Ibraahim waxa ay ka war baxsheen baaxadda ay leedahay abaaraha ka taagan deegaanadaas iyo wax yeelladayay geestay, iyagoo labaduba tilmaamay inay abaartu dad iyo duunyaba saameyn weeyn u geesatay ayna yartahay gurmadka ilaa iyo hadda gaaray si loo badbaadsho dadkaas.

Dhinaca kale Maxamuud Faarax Bile oo ku hadlayay afka ganacsatada ayaa tilmaamay in ganacsatadu yihiin cidda u weyn ee laga sugayo inay u gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, kana codsaday inay sii laba laaban dadaalkooda, qaataanna dowrka ay ummadu kasugayso.

Janeral Cali Ismaaciil oo isna ku hadlayay magaca aqoonyahanka ayaa bulshada Puntland ku dhaqan ka codsaday inay ka qeyb qaataan ololahan, kana soo baxaan kaalintii looga bartay waligood,isagoo sigaar ahna u xusay bahda aqoonyahank asomaaliyeed si ay uga qeybqataan qayla dhaantaas.

Dhanka kale waxaa madasha kahadlay soona gabagabeeyey barnaamijka wajigiisa hore Gudoomiyaha nabaddoonada gobolka bari iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ayaguna ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan gurmadka dowrkooda dhaqan ahaan ay soo buuxin doonan.

Intaas ka dib ayaa waxaa sitoosa u bilaabmatay lacag aruurintii ayadoo dadweynuhu durbaba ka jawaabeen codsi gaasi iyo qayla dhaantaas ka sooyeertay culimada, hogaanka dhaqanka iyo aqoonyahanka , ayagoo ku deeqaya qof walba iyo awoodiisa.

Ugu danbayntii waxaa laga codsaday dhammaan bulshaweynta soomaaliyeed meelkasto ay ku dhaqan yihiin in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo walaalahooda tabaalaysan, ayna uga qayb qaataan qof walba iyo waxa uu awoodo, hadday ahaan lahayd wax la quuto, ama lacag ahaan , ama gaarsiin annagoo ku dhaqmeyna xadiiskii nabigeena NNKH: “iska xijiya naarta haba ahaatee timir jeexeed”.

Barnaamijkan ayaa waxa uu sii socon doonaa maalmahan soo socda ayadoo Al-minhaaj u xilsaartay guddi sare oo isugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo kala ah sida tan:

1. Sh Daahir Aw Cabdi.

2. Sh Axmed DaahirXasanXuseen.

3. Sh Cabdiraxmaan Maxamed Dhowrre(Bukhaari)

4. Jeneral Cali Ismaaciil.

5. Maxamud Faarax bile.

6. Axmed Faarax warsame.

7. Nabadoon Cabdulqaadir Xarrago.

8. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.

9. Cabdikaafi Axmed Siciid.

10.Yaasiin Cartan.

11. Nabadoon Ibraahim.

12. Ciise Maxamed Ciise.

Waxaa sidoo kale la saaray guddi farsamo oo ay lasoo xiriiri doonaan cid walba oo rabta inay ka qayb qaadato gurmadka dal iyo dibadba, gudigaasookala ah:

  1. Faarax Maxamed Cajab:           +252907799914
  2. Axmed Yuusuf Daad:                 +252907793171.
  3. Fu aad   Maxamud   XaajiNuur: +252907796089.
  4. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir: +252907777275.

Waxaana lagu soo aadin doonaa lacagaha dalka iyo dibaddiisaba akoonnadaan kala duwan oo kala ah:

A/C Dahabshiil: BSSD004293.

A/C Amal: 49747

A/C SAHAL SERVICE: 439194.

no images were found

Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta
Boosaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online