Qarax Khasaaro badan dhaliyey oo ka dhacay maqaayad Oromo Cafe oo ku taal Muqdisho.

October 12, 2014 - Written by Editor

2Muqdisho:-Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey tiro intaas badanna way ku dhaawacmeen ka dib markii qarax ismiidaamin ah caawa uu ka dhacay  jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay  jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari yar oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaaana bartilmaameedka uu ahaa maqaayad lagu magacaabo  Oromo Cafe.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca waxay ku jira dad rayid ah oo  maqaayadda la qarxiyey ku fiidsanayey waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kororto dhimashada .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa durbadiiba soo gaaray agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, welina saraakiisha laamaha ammaanku wax faahfaahin ah kama aysan bixin

Qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu weeraray caawa maqaayad lagu magacaabo  Oromo Cafe ayaa waxaa uu dhacay xili ay magaalada Muqdisho ka nasatay dilalka iyo qaraxyada sida joogtada ah uga dhici jiray.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online