QM,IGAD,(EU) oo soo dhaweeyey heshiiska dhexmaray DFS iyo Puntland

October 14, 2014 - Written by Editor

medium_pLBYMeuaGarowe:-Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Itoobiya oo ah Gudoonka Golaha Wasiirada IGAD, iyo Midowga Yurub (EU) ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay heshiiska maanta ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda ugana wada shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo howlaha kale ee muhiimadda u leh qaran dhisidda.

“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiska maanta ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowlad Puntland ee Soomaaliyeed. Heshiiskan waa tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhishidda nabadda taas oo dan u ah dhamaan umadda Soomaalida. Dowladda Puntland oo leh waaya aragnimo gaareyso 16 sano, waaya aragnimadaas oo ku saleysan qaran dhisidda iyo maamul wanaaga ayaa kaalin weyn ka qaadan karto sidi loo dhisi lahaa Soomaaliya oo xoog leh, nabad ah, ku shaqeeyo nadaamka federaalka, demoqoraadi ah, oo mideysan.

Waxaa loo baahanyahay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyin muhiim ah bilaha soo socdo, tallaabooyinkaas oo ay kamid yihiin dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Federaalka ah iyo sidi doorasho loo qaban lahaa sanadka 2016. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno hirgelinta heshiiskaan annagoo u mareeyno Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliyeed.

Saaxiibada Soomaaliyeed ee ka socdo caalamka waxaa ka go’an in ay taageeraan hadafka wadanka Soomaaliyeed ee ku aadan soo celinta nabadad iyo qaran dhisidda ayaga oo xurmo buuxdo siinaayo  Dastuurka Federaalka Soomaaliyeed.”

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online