Qodobada lagu heshiiyey Puntland iyo Dowladda Federaalka ay saxiixeen.[Cod/Masawiro]

October 14, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta magaalada Garowe ku kala saxiixday heshiis 12 qodob ka kooban, ka dib markii muddo 3 maalmood ah wadahadal u socday. Qodobada lagu heshiiyey oo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalku warbaahinta u akhriyey ayaa kala ahaa sidan:

1) Dastuurka iyo Arimaha Federaalka:

A- Dooda Puntland ee la xiriirta wax-ka-bedelka dastuurka: Dowlada Federaalku waxay garowsatay cabashada Puntland ee ah in dastuurka qabyada ah wax laga bedeley, waxaana lagu heshiiyey in labo gudi oo ka kala socda labada baarlamaan ee federaalka iyo Puntland arintaas ka wada hadlaan xukuumada federaalkuna wadahadaalkaas fududeyso.

B- Dhamaystirka iyo Fulinta Dastuurka: Waa laysku raacay in la dedejiyo dhamastirka dastuurka iyada oo loo marayo sida uu qabo cutubka 15aad ee dastuurka.

C- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka Noqonaya Federaalka: labada dhinac waxay isku afgarteen in dhismaha maamul goboleedyada lagu saleeyo sida uu dastuurku qabo, sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ka koobnaado gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug, waxaa sidoo kale hoosta laga xariiqay in waqooyiga gobolka Mudug tahay qayb kamid ah Puntland.

D- Dhismaha Ciidamo Qaran oo Umadda ka Dhexeeya: qodobkaas waxaa lagu heshiiyey in loo raaco sida ku xusan heshiiskii Garowe [March 11, 2013]. Heshiiskaas oo ay wada saxiixeen Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Farole iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon ayaa tibaaxaya dhismaha ciidan qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan lagana kala keeno dhamaan gobolLada iyo degmooyinka dalka.

2) Heshiisyadii horay loo wada galay: labada dhinac waxay isla qaateen in heshiisyadii horay Puntland iyo Dowlada Federaalku u wada galeen ay waajib tahay in la fuliyo, maadaama heshiisyadii hore hirgeli waayeen waxaa heshiiska maanta la kala saxiixday iyo kuwii horeba fulintooda iyo daba galkooda loo xilsaaray gudi isku dhaf ah.

3) Heshiisyada horumarineed iyo kuwa caalamiga ah: waxaa lagu heshiiyey fududeynta heshiisyada noocaas ah iyadoo loogu dhaqmayo sida ku cad dastuurka qabyada ah qodobkiisa 58-aad.

4) Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee Lagu Helo Magaca Soomaaliya: gudiyada labada dhianc waxay ku heshiiyeen in si cadaalad ah loo qaybiyo dhammaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliya lagu soo helo.

5) Hiigsiga 2016: maadaama aan weli wadatashi buuxa laga samayn waxa laga yeelayo hiigsiga sanadka 2016 iyo caqabadaha jira, Puntland iyo Dowlada Federaalku waxay ku heshiiyeen in arintaas si wadajir ah looga tashado qorshena looga yeesho.

6) Hantida Umadda Soomaaliyeed ee Dibada ku Maqan: hantida Soomaaliya dibadda uga maqan wixii kasoo noqda in si cadaalad ah loo qaybsado ayaa laysku afgartay iyadoo jidka loo marayaana noqonayo mid cad oo wax mad madow ahi ku jirin.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Heshiiska dowladda Puntland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ay wada gaareen

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/nc8xzsswt9/heshiis.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online