Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdiwali Sh.Axmed oo safar ku imaan doona Puntland

October 9, 2014 - Written by Editor

yuulkaGaroowe:-Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sh.Axmed ayaa la filayaa in dhawaan uu booqasho ku gaaro magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntand. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi wali Sh.Axmed ayaa dhowr jeer arrimo farsamo darteed dib uga dhacay safar uu u imaan lahaa magaalada Garoowe walow hadda la filayo in arrimahaas ay xalismeen.

Madaxda ugu saraysa ee dowladda Puntland ayaa magacaabay gudi ka kooban wasiiro oo qayb ka noqon doona soo dhaweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh.Axmed oo la flayo in uu Puntland soo gaaro maalinta JImacaha ama Sabtiga 11   Septembar 2014.

Xiriir aan la samaynaya wariye ku sugan Garoowe ayaa noo sheegay in magaalada Garoowe laga sugayo wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed balse aan ilaa hadda si rasmi ah aysan dowladda Puntland u shaacin waqtiga uu  Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sh.Axmed uu imaanayo Garoowe.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh.Axmed ayaa waxaa la filayaa in madaxda dowladda Puntland ay kala hadli doonaa khilaafka u dhexeeya DFS iyo Puntland kana dhashay maamul u samaynta gobollada dhexe, Heshiisyo ay Puntland horay u wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aa ilaa hadda wax badan aysan ka dhaqan gelin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online