Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sh Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

October 10, 2014 - Written by Editor

yyGaroowe:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa   si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Gaas , Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Camey  ,xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland , Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Puntland , Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyadoo amaanka garoonka iyo goobaha ku dhow ay si weyn u adkeeyeen ciidanka  nabadsugida iyo kuwa Madaxtooyadda Puntland .

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa salaan ay ka qaateen Cidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo si wanaagsan u qalabaysan.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa inta ay ku suganyihiin Garoowe xubnaha laba gole ee Puntland , qaybo  ka mid ah bulshada rayidka ka dibna waxaa uu maalin ka dib uga gudbi doonaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale  Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed iyo  wafdigiisa ayaa waxaa ay madaxda dowladda Puntand kala hadli doonaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland khilaafkaas oo ka dhashay maamul u samaynta gobollada dhexe.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online