Ra’iisul wasaaraha DFS oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladda dhexe iyo Puntland.[Dhagayso]

October 14, 2014 - Written by Editor

DSC_01271Muqdisho, 14, October, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo Puntland, wuxuna ku tilmaamay heshiiska inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo dhismaha dowladdo federaal ah.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay xubnaha guddiyadii ka socday dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ka mirro dhalinta iyo ka gudbidda qodobadii labada ku kala aragti duwanaayeen, isagoona tilmaamay Wadahadalkan qaatay saddexda maalmood in uu muhiim u yahay iskaashiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta gaareen dowladda dhexe iyo Puntland, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro mad-madowgii jiray” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay maanta gaareen guddigii labada dhinac. Heshiiskan ayaa lagu soo afmeeray mad-madowgii ka dhex jiray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/fjeza6t16a/rw.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online